Nawaaxiga Jowhar oo lagu dilay Askari ka tirsan ciidanka dowladda Somalia
Jariirow 02.Sep 2013 (SDN)- Askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa lagu dilay, mid kalena waa lagu dhaawacay deegaanka Jariirow oo galbeedka kaga aaddan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.
Qaar ka tirsan dadka deegaanka Jiriirow oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in askariga la dilay uu isbaaro dhigan jiray tuulada, ayna dishay kooxda al-Shabaab.
Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda ayaa Bar-kulan u sheegay in meydka askariga la dilay la dhigay saldhigga Jowhar.
Bogga Somali Memo ee taageera kooxda al-Shabaab ayaa qoray in al-Shabaab ay ka dambeysay weerarka ay ku tilmaamtay mid burcadda looga sifeynayay deegaanka Jiriirow.
Jariirow SDN.
Qurbejoog.com