Taliska Sare ee Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland oo Beeniyay in lacago faalso ah laga soo dejiyay deegaanka Laasa Surad
Hargaysa 02.Sep 2013 (SDN)- Taliyaha Ciidanka Ilaalada iyo Difaaca Xeebaha ee Somaliland Admiral Axmed Aw Cismaan ayaa beeniyay in lacag Faalso ah oo Shilling Somaliga (Giinbaarta) laga soo dejiyay deegaanka Laasa Surad ee Gobolka Sanaag.
Taliyaha Ciidanka Ilaalada iyo Difaaca Xeebuhu waxa uu Xusay inay Waxba ka Jirin wararka sheegaya in Deegaanada Xeebaha Gobolka Sanaag oo Laasa Surad ka Mid tahay ay ka soo degeen lacago faalso ah isagoo sheegay in dhamaan jiidaas ay degen yihiin Ciidanka Ilaalada Xeebaha oo heegan ugu jira wax kasta oo si Sharci daro ah dalka lagu soo Gelinayo.
Admiral Axmed Aw Cismaan waxa uu intaas ku daray in Wargayska Waaheen oo warkan faafiyay ay ku haboonayd inuu xidhiidh la sameeyo ciidanka ilaalada iyo difaaca xeebaha .
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com