Madaxweynihii hore ee dalka Masar oo maxkamad la soo taagayo
Qahira Sept 02,2013(SDN)-Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Masar ayaa shaaciyay in maxkamad la soo taagi doono madaxweynihii hore ee dlaka Masar Maxmed Mosri iyo qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha sare ee xisbiga Ikhwaanka.
Madaxweynihii u horeeyay ee Masar ee shicibku doortaan ayaa xilka laga tuuray bishii July 3deedii ka dib kolkii ay kumaan shicib ahi isu soo baxyo kala hortageen goaamo dhawr ah oo uu madaxweynhu meel mariyay.
Madaxweyne Morsi ayaa intii mudadaa ka danbeysay ku jiray gacanta ciidamada xooga ee dalka Masar oo ku haya goob aan la shaacin.
Morsi ayaa haatan lagu soo oogay dilka ilaa toban ruux oo ciidamdu ay ky dileen kacdoonkii xilka looga tuuray.
Xeer ilaaliyaha ayaan ilaa haatan mudeyn goorta iyo goobta la maxkamadeynayo madaxweyne Maxamed Morsi.
SDN-Qahira
contact@somalidiasporanews.com