Wiil Dhallinyaro ah Oo Xalay Fiidkii Lagu Toogtay Badhtaha Hargeysa
Hargeysa:2-Sep-2013(SDN)-Waxa Xalay Fiidkii hore lagu toogtay magaalada Hargeysa gaar ahaan Xaafadda Dumbuluq ee M. Mooge Cumar Cismaan Nadiif (Cumar Badhaf) oo ah muwaadin reer Somaliland ah.
Ninka isagu toogashadan geystay ayaa lagu magaciisa lagu sheegay Khadar Cali oo la sheegay inay si gaar ah saaxiib u ahaayeen ninka uu toogtay.
Khadar cali oo ah ninka toogashadan lagu eedaynayo, ayaa waxa ay sheegayaan wararka ay helayso shabakadda wararka ee Qurbejoog.com inuu dhawaan haleelay xanuun aan sidaas u sii buurnayn oo shaki ahi, waxana la sheegayaa inuu hore u sheegay inuu ninkan uu xalay toogtay waxyeello u geysan doono.
Cumar Badhaf oo ay xabaddu ka asiibtay feedhaha gaar ahaan Naaska Bidix hoostiisa, ayaa loola cararay cisbitaalka, waxana la sheegayaa inay xabbaddu jidhkiisa dhex fadhido, iyadoo xaaladdiisa caafimaadna laga dayrinayo.
Dhinaca kale wararka aanu ka helayno ciidanka Ammaanka ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay ninka ku eedaysan inuu toogashada geystay, waxana lagu hayaa mid ka mid ah saldhigyada ciidanka ammaanka ee Hargeysa.
Dilalka iyo toogashada ayaa beryahan dambe ku soo badanaya Magaalada Hargeysa, iyadoo toddobaad kaliya ka hor badhtamaha caasimadda lagu toogtay nin u dhashay kililka shanaad ee Ethiopia, oo aan wali loo haynin cid si rasmi ah ugu eedaysan dilkiisa.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com