Shaqaalaha Maxjarka Al-jaabiri oo Mudaharaad ka sameeyey Tacaddi uu Kayo Madaxa Maxjarkaasi
Berbera:2-Sep-2013(SDN)- Iyadoo ay maalinba Maalinta ka dambaysa ay sii kordhayso jaabiri, ayaa waxa maalintii shalay halkaas mudaharaad ballaadhan ka sameeyey shaqaalaha ka hawlgala maxjarkaas oo ka cabanaya shirkadda Carbeed ee Al-jaabiri.
Shaqo-joojintan ay ku dhaqaaqeen shaqaaqeen shaqaalaha kala duwan ee shirkadda Al-jaabiri, ayaa si aad ah looga dareemayaa magaalada Berbera ee caasimadda Gobolka Saaxil.
Qaar ka mid ah shaqaalaha cabashada samaynayey oo uu la kulmay wariyaha Shabadda wararka ee Qurbejoog u jooga xarunta Berbera, ayaa sheegay inay si aad uga cabanayaan dhibaato uu ku hayo wakiilka maxjarka gacanta ku haya oo magaciisa la yidhaahdo Dr Sacad Axmed Rajabi.
Shaqaalahan oo ka gaabsaday inay magacyadooda sheegaan, ayaa masuulkan ku eedeeyey inuu kula kacay tallaabooyin ka baxsan nidaamka shaqada, sida isaga oo shaqaalaha maxjarka ku tacaddiya oo iyagoo shaqadooda haysta markuu doono sabab la’aan ku erya.
Waxa kale oo shaqaalahan cabanayey Dr Sacad ku eedeeyeen inuu jabiyey heshiis ku-meel-gaadh ahaa oo ay wada galeen maamulka Gobolka iyo masuuliyiinta shirkadda Al-jaabiri oo dhigayey in qofkii shaqaalaha ka mid ah al jaabiri oo dhigaayay in qofkii sideed cisho habsaama uu digiin siiyo .hadii uu qofku sii caadaysto habsankana lagu sameeyo shaqo joojin muddo ah, iyadoo uu dhamaanba qodobadii heshiiskaasi ka koobnaana uu si badheedh ahh u baal maray.
Sidoo kale waxa ay shaqaalahani wakiil sacad ku eedeeyeen inuu iska indho tiro isku day kasta oo uu sameeyey isu duwaha xannaanada xoolaha Gobolka saaxil u jooga xukuumadda oo isagu maxjarka dusha hawlihiisa kala socda.
khilaafaadka shaqaalaha maxjarka berbera ee dawladu gacanta ku hayso ayaa wuxuu ku soo beegmayaa wakhti ay koobiga inagu soo hayso bisha carafo oo xoolo badani ka dhoofaan s/land, iyadoo
doorka wasaaradda xanaanada xoolaha ee Somaliland ayaa la tilmaamaa inuu yahay mid gaabis ah .iyadoo arintaasi ay ku tusinayso markaad aragto si duwaha wasaarada oo aan talaabo ka qaadi Karin ninka carbeed ee shirkada aljabiri u qaabilsan maxjarka xoolaha berbera.
Xaaladdan khilaaf ee u dhaxaysa shaqaalaha Maxjarka Al-jaaniri iyo maamulkooda ayaa ah mid caan ka ah deegaanka Berbera, waxana aan arrintaas wali wax maaro ah u helin maamullada kala duwan ee Gobolka Saaxil, iyadoo shaqaalahana lagu daawado tacaddi iyo ku takr-fal baaxad leh oo mar walba ay ku hayaan nimanka maamula maxjarku.
Somalidiasporanews.com