Wasiirka Cusub ee Wasaarada Biyaha oo Sharaxay Siduu dalku u heli lahaa Biyo ku filan {DHAGAYSO}
Hargaysa 01.Sep 2013 (SDN) Wasiirka wasaarada Biyaha Md Xuseen Axmed Cabdalle oo ka mid ah Xubnaha Wasiirada Cusub iyo Wasaaradaha ku soo Kordhay Dhismaha Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ayaa Sheegay inay Xaliyeen hay’ado badan oo Joojiyay wada Shaqayntii ay la lahaayeen Wasaaaradan,
Wasiirkani waxaa kale oo uu Xusay Siyaasada Cusub ee uu ku hagayo Wasaaradan uu Madaxweynuhu xilkeeda u igmaday waxaanu Tilmaamay inay xooga saari doonaan sidii khayraadka biyaha ee dalku u baahan yahay loo soo saari lahaa si looga baxo ayuu yidhi Gaadhi gaadhi saarka ka dhasha xiliyada Jiilaalka isagoo hadalkan ka jeediyay Fadhigii Maanta ee golaha wakiilada oo lagu ansixinayay .
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/WasiirBiyo1.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com