|

Diyaarada Itoobiya Airways oo Sannad iyo Badh kadib Maanta Soo Cago dhigatay Madaarka Caasimada Hargaysa

Hargaysa 01.Sep 2013 (SDN)- Wasiirka wasaaradda duulista iyo hawada Md Maxamud Xaashi cabdi ayaa maanta warbaahinta u soo bandhigay diyaaradii ugu weynayd ee soo fadhiisata madaarka caasimadda hargaysa muddo 58 sanadood ah ka dib.

DIYAARADA ITOOBIYADayuuradan oo nooceedu yahay 737 oo ay leedahay shirkadda Ethiopian Airline oo maanta soo fadhiisatay garoonka Egal intranational Airport ee magaalada Hargaysa ayaa wasiirku waxa uu ku tilmaamay inay ka mid tahay diyaaradaha waaweyn ee isaga goosha caalamka, talaabadaas oo uu wasiirku ku sifeeyey isbedelka ku yimid garoonkii diyaaradaha ee caasimadda oo balaadhintii iyo casriyayntii dhowaan lagu sameeyey ay xaqiijisay himiladii laga lahaa

Wasiirka duulistu waxa uu sheegay in mustaqbalka dhow ay dalka ku soo furmayaan duulimaadada diyaaradaha waaweyn ee isugu jira xamuulka iyo rakaabka-ba.

Hargaysa SDN,

Qurbejoog.com

Comments are closed