|

Maxkamadda Gobolka Hargeysa Oo Maanta Go’aan Ka Gaadhaysa Dil loo Haysto Xildhibaan Golaha Deegaanka Hargeysa ka tirsan

Hargeysa:1-Sep-2013(SDN)- xildhibaan Mustafe Cismaan Daahir oo ku eedaysnaa inuu 29-kii bishii may ee sanadkan nin shacab ah ku dilay magaalada Hargeysa, ayaa maanta  lagu wadaa in maxkamada Gobolka Hargeysa ay go’aan ka gaadho kiiskiisa.

daahirigaXildhibaanka oo ka mid ah xubnihii Golaha Deegaanka Hargeysa ka soo baxay, islamarkaana in ka badan saddex bilood u xidhnaa kiiskan dilka ah, ayaa intaaba uu kiiskiisu socday, waxase maanta lagu wadaa in laguu dhawaaqo xukunka ay maxkamaddu ku fulinayso.

Shacab badan oo arrintan aad ula socday, ayaa lagu wadaa inay soo buux-dhaafiyaan barxadda maxkamdda Gobolka, waxana arrintiisa lagala socdaa  meelo badan oo caalamka ah maadaama uu wali dusha kuu sito haybaddii xildhibaanimo.

Xukunkana maanta la sugayo, ayaa haddii ay maxkamddu xukunto inuu xildhibaanku gacan-ku-dhiigle yahay waxa uu waayi doonaa xubin-nimadii Golaha Deegaanka Hargeysa, waxana lagu wadaa in si degdeg ah loo soo buuxin doono, walise cidi ma caddayn karto inuu marxuumkaas dilay iyo in kale.

Wixii warar ah ee kiiska xildhibaanka ka soo kordha waxa aanu idiinku soo gudbin doonaa wararkayaga soo socda insha allah.

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed