Obama oo Ku Dhawaaqay In La Weeraro Syria
Washington:1-Sep-2013(SDN)-Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay inuu go’aansaday in Maraykanku uu weerar ku qaado dalka Syria, maadaama uu hogaanka dalkaasi isticmaalay hubka sida aadka ah wax u gumaada.
Obama oo shacabka Maraykanka kala hadlay aqalka Cad, ayaa wuxuu sheegay in weerarkani aanu noqon doonin faro-gelin aan dhammaad lahayn iyo ciidan ka socda Maraykanka oo gudaha u gala dalka Syria, balse uu noqon doono weerar xaddidan oo muddo kooban soconaya.
Madaxweyne Obama wuxuu sheegay in weerarku aanu bilaaban doonin ilaa ogolaansho uu ka helo aqalka congresska Maraykanka.
Obama wuxuu sheegay in tacadigii dhacay ee hubka kiimikada loo istimcaalay aanay kaliya ahayn in la baadho, balse ay sidoo kale tahay in laga hortago.
Barack Obama, wuxuu sheegay in Maraykanku aanu iska indho tiri karin wixii ka dhacay magaalada Dimishiq.
Xubnaha aqalka congress-ka Maraykanka ayaa haatan fasax ku maqan, waxaana la filayaa inay bilaabi doonaan inay ka doodaan qorshaha madaxweynaha ee ka dhanka ah Syria maalmaha ugu horreeya ee bisha September, saadaasha ilaa hadda muuqataana waa inaana la qiyaasi Karin codka uu dagaalkani ka dhex heli doono Golaha dhexdooda.
Dhinaca kale xukuumadaha Ruushka iyo Chine ayaa goor horeba sheegay inaanay aqbali doonin in weerar lagu qaado dalka dalka ay jaalka yihiin ee siiriya, taas oo laga yaabo inaanu maraykanku dheg jalaq u siinin.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com