|

Guddida Waxbarashada Magaalada Toronto oo loo soo jeediyay Talooyin ku saabsan Waxbarashada Ardeyda Soomaalida

Toronto Sep 01,2013(SDN)-Guddida Tacliinta magaalada Toronto ee gacanta ku heysa dugsiyada waxbarasho ayaa dhawaan magacaawday guddi hoosaad ka soo talo bixisa sidii Ardeyda Soomaalida waxbarashada gacan looga siin lahaa.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa waxbarashada uga tagta si aad uga badan dhalinta kale ee reer Toronto.

Si arinkaa wax looga qabto ayaa guddi hoosaadku baaritaano dheer oo ay sameeyeen ka dib waxa ay soo bandhigeen soo jeedimo wax ka qaban kara caqabadaha hor yaala Ardeyda Soomaaliyeed ee magaaladaas ku nool.

Soo jeedimaha horu dhaca ah ee ay guddi hoosaadku soo jeediyeen waxa ka mid ah in la helo xarun ay bulshada Soomaalidu yeelato oo ka talo bixiya manhajka waxbarashada Toronto iyo aasaaska bil la xuso dhaqanka Soomaalida.

Guddi hoosaadkan ayaa warbixintoodan horu dhaca ah soo bandhigtay ka dib kolkii ay xog wareysi mawduucan ku saabsan la yeelatay boqolaal ruux oo ku kala nool dacalada magaalada Toronto.

Toronto ayaa waxa ku nool Soomaalida labaa ee ugu tirada badan Woqooyiga America,waana magaalo ay ku badan yihiin dhalain yaro faro badan oo waxbarashada ka saaqiday.

SDN-Toronto
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed