Shalay:Su’aashii ugu xiisaha badnayd oo la weydiiyey wasiir shaqada ku cusub+Xildhibaanno muxaafid ah oo Buuq ku furay+ jawaabtii wasiirka
Hargeysa:1-sep-2013-(SDN)-Madashii maalintii shalay lagu ansixinayey xubinihii wasiirada ahaa ee dhawaan madaxweyne siilaanyo magacaabay, ayaa waxa mudanayaasha Goluhu ay halkaas ka soo jeediyeen su’aalo koob kooban oo wasiirada cusub lagu liishaamayey.
Su’aalaha la weydiinayey wasiiradda cusub ee la ansixinayey ayaan intooda badan xiiso badan lahayn marka laga reebo su’aal uu xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore ku Ganay wasiir ku cusub dalka iyo xilkaba, taas oo noqotay middii ugu yaabka badnayd, iyadoo la arkayey xildhibaanno badan oo rumaysan waayey xaqiiqonimada su’aashaas.
Saleebaan yuusuf Cali Koore oo ka faa’iidaysanayey fursad uu shir-guddoonku siiyey, ayaa markiiba dhiibtay badheedhihiisa, waxana uu wasiirka arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah weydiiyey su’aal la xidhiidhiyey dhinaca saraakiisha sarsare iyo safiiradda ay wasaaraddu u dirtay dalalka kala duwan oo uu xildhibaanku ku sheegay inay dhamaantood beel kaliya kasoo wada jeedaan.
Xildhibaan Saleebaan Yuusuf cali koore oo ugu horrayn su’aasha uu qabo muhiimadeedda sharraxaya, ayaa sidan ku bilaabay Hadalkiisa,
“Wasaaradda arrimahha dibaddu waa muraayaddii Dalka,waxay u tahay inay iibiso qiyamka iyo wax-wada lahaanshaha iyo in ay dunida ka iibiso wax ay umaddu u dhan tahay. Anigu waxan xogogaal ka ahay in wasaaradaada dhamaan dadka safiirada ugu magacaabani ay ka soo jeedaan Hal Beel, markaa maxaa kaaga qorshaysan sideese u aragtaa inay cid gaar ahi ay waxaas oo dhan oo lagu daray adiga, ku xigeenka iyo agaasimaha Guud ee wasaaraddaadu ay sidoo kale ka soo jeedaan Beesha dhexe.?
Intaa ka diba waxa Guux Ballaadhan madasha ka dhex bilaabay xildhibaannada lagu sheego muxaafidka, iyagoo liqi kari waayey sida uu xildhibaan koore ula badheedhay su’aasha muhiimka ah ee uu kula dhiirraday wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda, waxana ay goobta qaarkood ka bilaabeen sawaxan iyo qaylo hoose oo lagu khalkhalinayo kalsoonida xildhibaanku hadalkiisa ku wato, waxase geesino muujiyey xildhibaan koore oo Badka keenay su’aal dad badan oo saxaafaddu ugu horraysaa la amakaageen.
Iyadoo ay dhegaha xildhibaanada iyo dadkii kale ee goobta joogay si aad ah ugu dhegtaagayeen, ayuu wasiir maxamed Biixi yoonis ku soo dhawaaday minbarka laga hadlo, waxana su’aashii uga baxay si taxadar leh, isagoo tilmaamay inaanu raalli ka ahayn in cid gaar meel kooto loogu xidho, jawaabtii wasiirkuna waxa ay u dhacday sidatan, “waxan qabaa haddii aynu Somaliland nahay, anigu shakhsiyan waxan qabaa in dhamaanba wixii la qorayo waxa ay doonto ha noqotee lagu soo xulo cidda ku habboon, aniguna waxa aan ballan qaadayaa inaan wixii karankagayga ah wax ka qabto, waayo waxan aamin sanahay in qaranimadu ku jirto wax wada lahaanshaha oo dadku u wada sinnaado oo aan loo arkin inay beel dhexe tahay.”
Su’aashan uu xildhibaanku soo qaddimay, ayaa haddii ay u jirto sida uu u sheegay waxa ay ceeb ku tahay xukuumadda maanta talada haysa, waxana ay bohol ka sii tuuri kartaa dedaalkii dheeraa ee dadka reer Somaliland ugu jireen inay caalamka ka helaan ictiraaf, waxase xalkaas oo waliba degdeg ah looga fadhiyaa Madaxweyne Siilaanyo iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda oo isagu shalay su’aashan laabta u dhigtay.
Somalidiasporanews.com
Axmed Cumar Axmed
Hargeysa/Somaliland
Contact@somalidiasporanews.com