|

Machadka Xallinta Khilaafaadka ee Jaamacada Hargaysa oo ka Hadlay Shirka ay Hargaysa ku Qabteen {DHAGAYSO}

Hargaysa 14.Aug 2013 (SDN) Gudoomiyaha xallinta khilaafaadka Aadan xaaji cali oo  ka mid ahaa dadkii soo qabanqaabiyey shirweynaha Lagu Naaqishayay Waxyaabaha ka soo Bixi kara Wada hadaladii u Socday Somaliland iyo Somalia ayaa halkaa ka sheegay in ujeedada ugu muhiimsan ee shirkan lagaga tashanayaa ay tahay sidii inagoo qaran ah oo aan xaqeena ka tanaasulayn aynu uga sii qayb qaadan lahayn ka qayb galka shirarka iyo wadahdalada aynu la gelayno dalka Somalia,

Dhanka kalena Shirkaasi oo ay qbanqabadiisa qayb ku lahayd jaamacadda hargaysa ayaa waxaa sidoo kale  lagaga hadli doonaa arimo ay ka mid yahiin:

1.     Doorka ay wadahadalada soconaya ku yeelan karaan qaybaha bulshada rayidka ahi

2.     Saamaynta ay wadahadalada ku yeelan karaan kala fogaanshaha xaaladaha siyaasadeed iyo ammaan ee ay ku kala sugan yihiin dalalka Somaliland iyo Somalia

3.     Waxyaabaha ay hogaanka Somaliland ka baran karaan hogaanadii lixdameeyadii ee dalkan hagayey

4.     Kaalinta ay wadahadaladan ka ciyaari karaan dalalka deeq bixiyayasha iyo kuwa deriska ah ee lahaa fikraddii hore ee ahayd in Somaliland iyo Somalia ka wada hadlaan mustaqbalkooda siyasadeed.

Halkan Guji si aad Mobilkaaga uga Dhagaysato
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/DoodiiShirka.mp3″]
Hargaysa SDN.

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed