Wasiirka Madaxtooyada oo ku Micneeyay in Waxtarka ka dhashay Wada hadaladii Somaliland iyo Somalia ay tahay in Caalamku ogaaday Waxay labada dal isku hayaan {DHAGAYSO}
Hargaysa 14.Aug.2013 (SDN) Wasiirka wasaarada madaxtooyada Md xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in ka qayb galka Somaliland ee shirarka lala yeelanayo dalka Somalia ay Somaliland ku heshay aqoonsi balaadhan oo ay ku barteen dalal iyo qowmiyado badan oo caalamka daafihiisa ku kala sugan.
Wasiirka ayaa hadalkan ka Jeediyay -Shirweyne socon doona muddo lab maalmood ah oo ku saabsan sidii loo odorosi lahaa halka uu ku danbayn doono wada hadalada u socda Somaliland iyo Somalia Mustaqbalka, Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu ka dalbaday muwaadin kasta oo doonaya inuu fikrado ku biiriyo arrimaha noocan ah la soo dhoweynayo, isla markna la iska ilaaliyo in qaranimmadda la mucaarado oo la dhabar furo mas’uuliyiinta inooga qayb gelaya shirarka heer qaran ee aynu ku bandhigayno rabitaankeena.
Halkan Guji si aad Mobilkaaga uga Dhagaysato Hadalkii Wasiir Xirsi
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/WasiirkaXirsi14.mp3″]
Hargaysa SDN.
contact@somalidiasporanews.com