Gudoomiyaha Gobolka Salal oo Wasiirka Waxbarashada uga Mahadceliyay Mashaariic ay ka fulisay Gobolkaas
Saylac 14.Aug.2013 (SDN) Badhasaabka Gobolka Salal Mudane C/laahi Faarax Meydhane ayaa si wayn ugu mahad celiyay WasiirkaWasaarada Waxbarashada Somaaliland Marwo-Samsam Cabdi Aaden.
Badhasaabka ayaa amaanta Wasiirka Waxbarashada u cuskaday Waxqabadka baaxada le ee ay ka samaysay Wasaarada Waxbarashadu Gobolka Salal ee dhinaca waxbarashada.
Badhasaabka ayaa si gaara ugu xusay mahad naqa Wasiirka Waxbarashada gunaynta macalimiinta dugsiyada waxbarashada oo sanadkan wasaaradu mushaharka u furtay tiradii ugu badnayd ee abid laguneeyo macalimiinta gobolka Salal.
C/laahi Faarax Meydhane(Badhasaabka Gobolka Salal) ayaa waxa uu yidhi “Waxaan maanta halkan uga mahadcelinayaa anigoo ku amaanaya wax qabadka Wasaarada ay masuulka ka tahay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare,inta aan Wasiirka u mahad celinin waxaan marka hore farxada Ciida Ciidul-fidriga awgeed hambalyo u dirayaa dhamaan shacabka iyo xukuumada Soomaaliland waxaan leeyahay ku gaadha sanadka sanadkiisa horumar iyo barwaaqo”.
Badhasaabka oo hadalkiisa sii wata ayaa Yidhi “intaa ka dib waxaan halkan uga mahad celinayaa Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Marwo-Samsam Cabdi Aaden,waxaan ku hambalyaynayaa sida ay ugu guntatay in kor loo qaado Waxbarashada Dalka Gaar ahaan Waxbarashada Gobolka Salal”
Gobolka Salal waxbarashadiisu waxay kor u kacaday intii ay Xukuumadani jirtay waxaa sharaf noo ah Gobol ahaan in maanta Wasiirka Waxbarashadu noo soo shaqaaleeyo tiradii ugu badnayd ee macalimiin ah.
waxaan marlabaad Wasiirka Leeyahay anigoo ku hadlaya afka shacabka Gobolka Salal Wasiir waxaad mudantahay Bilad geesi Gobolka Salal:.
Badhasaabka ayaa sidoo kale ku bogaadiyay Wasaaradaha kale inay waajibaadkooda shaqo ee Gobolka ilaaliyaan inay ku daydaan Wasaarada Waxbarashada.
Wasaarda Waxbarshada Soomaalilaand ayaa noqotay Wasaarada ugu wax qabadka badan Gobolka Salal Mudadii Sadexda Sano ahayd,sidoo kale Wasiirka Wasaarada Waxbarashada ayaa sanadkan gunaysay tiradii ugu badnayd macalimiinta Gobolka Salal ka hawl gala,Dadweynaha Degmooyinka Xariirad,Boon iyo Garbo-dadar ayaa si weyn ugu mahad naqay Wasiirka Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aaden.
Saylac SDN.