|

Hargeysa oo Baadhitaanno Aan Hore loo Arag ku Waabariisatay Saaka iyo Sababta Keentay

booliska cidanHargeysa: 14Aug-2013 (SDN)Caasimadd Somaliland ee Hargeysa,ayaa saaka laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo waaweyn oo ciidamada Amaanku ka wadaan waddooyinka waaweyn.

Ciidamada ayaa gebi ahaan baadhitaanno waaweyn oo aan hore loo arag ku haya Gaadiidka kala duwan ee maraya jidadka waaweyn ee Caasimadda, iyadoo dadka shicibka ah ee Lugaynayana baadhitaanku saameeyey.

Baadhitaankan ayaa ka culus kuwii hore loo arki jirey, waxana saaka si aad ah loo baadhayaa Gaadiidka dadweynaha ee Basaska loo yaqaano oo aan hore loo baadhi jirin, waxana ay taasi keentay cabsi ballaadhan oo shacabku qaadaan.

Ilaa Haddda si rasmi ah looma oga sabbabta keentay baadhitaankan caasimadu ku waabariisatay, balse warar hoose ee shabakadda qurbejoog.com ay heshay ayaa sheegaya inay Hay’adaha sirdoonka Somaliland soo Gudbiyeen Digniino la xidhiidha inay jiraan dhaqdhaqaaqyo argagixiso oo kaabiga ku soo haya caasimaddu.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin ka dib markii uu Qaadi waayey Telefoonkiisa Gacanta, waxase jira cidhiidhi xoog leh oo baadhitaankani magaalada u keenay, iyadoo dadka laga rogayey gaadiidka ay saarnaayeen.

Maalmahan dambe waxa jirey  dhaqdhaqaaqyo badan oo ciidanka amaanku ka wadeen Magaalooyinka Somaliland, gaar ahaan Magaalada Burco ayaa la sheegay in  habeen hore lagu soo qabqabtay rag looga shakiyey inay xidhiidh la leeyihiin Argagixisada, iyadoo loo malaynayo in baadhitaankanina la xidhiiidho arrintaas.

Maaha markii ugu horraysay ee baadhitaan noocan oo kale ah laga fuliyo Caasimadda Hargeysa, balse kan maanta ayaa si aad ah uga culus kuwii hore, maadaama xataa dadka shacabka ah ee lugaynaya si aad ah loo baadhayo.

Shandadaha iyo agabka kale ee shacabku alaabooyinka ku qaataan, ayaa iyagana si aad ah loo baadhayaa, iyadoo ay muuqato in shaki xoog lihi haatan ka jiro magaaladah.

 

Somalidiasporanews.com

Hargeysa/Somaliland.

 

Comments are closed