|

Guddiga Badbaadinta Saxaafadda ee CPJ Oo War war Ka Muujisay Xaaladda Dalka Masar

cpjHargeysa:14-Aug-2013(SDN) Gudiga Badbaadinta Saxafadda Dunida ee CPJ ayaa ka warwarsan cabudhin ay sheegeen in Lagu hayo saxaafadda Madaxa Bannaan eek a Hawlgasha Waddanka Masar.

Muda 22 sano kadib ayuu gudigu sheegay in ay soo wajahday Saxafadda Dalka Masar cabudhin iyo caga juglayn uga imanaysa Hogaamiyaasha is diidan ee dalka Masar.

Guddiga Bad baadinta Saxafadda ee CPJ ayaa ku eedeeyay Madaxwaynahii hore ee xilka laga tuuray Mursi in uu cabudhin xooggan ku hayay Saxaafadda muddadii  Sanadka ahayd ee uu xilka hayay isagaa oo ku samaynayay faaf-reeb.

Waxaa  warbixinta Gudigani soo saaray lagu sheegay in siyaasiin isku garab yihiin Madaxwaynhii hore ee la eryay Morsi si xoog ah Saxafdda u adeegsan jireen si ay danahooda ugu fuliyaan.

Xukuumada malatariga ee Dalka Masar ayaa gudigani sheegay sidoo kale in ay cabudhin Ba’an iyo Cago-juglaynba ku hayaan Saxaafadda madaxa Bannaan ee Dalka Masar, waxana uu sheegay Gudigu in ay ka walaacsan yihiin dhibaatadaa soo food saartay Saxafadda Masar.

Dalka masar oo haatan uu militarigu gacanta ku hayo, ayaa si aad ah looga hadal hayaa cabudhinta lagu hayo saxaafadda madaxa bannaan, waxana ka soo baxaya cabashooyin farabadan oo keentay in Guddigani ka hadlo arrinta.

 

Somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed