|

Dhismaha Dunida ugu Khatarsan:Nin Maal Qabeen ah oo Daar China ku taal Buur ka Dul Sameeyay

Beijing Aug 14,2013(SDN)- Nin Maal qabeena oo ku nool caasimada dalka China ayaa daar dusheeda waxa uu ka sameeyay Buur weyn oo khatar ku ah dadka daarta ku nool.

Ninkan ayaa buurtan in uu dul dhigo Daartan waxa ay ku qaadatay mudo lix sanadood ah waxaaney ku muteysatay naaneysta Dhismaha duniida ugu khatarsan.

Dawlada dalka China ayaa maalqabeenkan ku amartay in uu mudo 15 casho ah buurtan ku baabiyo hadii kalena ay tilaabo sharci ah ka qaadi doonto.

dhisme

Daartan oo ah mid ay dad maalqabeen ahi ku nool yihiin ayaa waxa u soo daawasho taga dad isugu jira dalxiiseyaal iyo dadka ku nool caasimada Beijing.

Dhismahan ayaa buurta loo dul dhigay si qarsoodi ah laguna dhisayay xili dadka oo dhami ay hurdaan.

Dadka Daarta ku nool iyo jaarka ayaa saxaafada u sheegay in ninkan maalqabeenka ahi uu iska dhego tiray dalabaad ay u jeediyeen oo ay ku muujiyeen cabsidooda ku wejahan buurtan dushooda laga dhisay.

Dhismahan ayaa soo shaac baxay isla markaana dawladu amartay in la burburiyo ka dib kolkii saxaafada China ay sawiro ay ka qaaday lagu daabacay jaraaidka dalkaasi.

China waxa haatan shicibku khaati ka taagan yahay maalqabeenada shuruucda ku tunta ee shuruucda dalkana ka sareeya.

China ayaa dhulka guud ahaan waxa leh dawlada,waxaana dadka laga kireeyaa dhulka mudo 70 sanadood ah.

SDN-Beijing
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed