Dad Faro badan oo lagu laayay Maasaajid ku yaal Nigeria iyo Cida dilalakaa loo aaneyay
Maiduguri Aug 14,2013(SDN)-Dad faro oo ku salaad ku tukanayay masjid ku yaal dalka Nigeri ayaa lagu laayay magaalada Maiduguri iyada oo dad kale oo tiradooda lagu sheegay 12 ruux iyagana lagu laayay goob kale isla wakhtigaasi.
Ciidamada amaanka ee dalka Nigeria ayaa saxaafada u sheegay in ay dilalakan foosha xun ay geysteen kooxda xag jirka ah ee dalkaas ee Boko Haram.
M a cada in kooxdan Boko Haraam ay laayeen dadkan Muslimiinta ah ee gudanayay cibaadada balse hore waxa u dhacday in ay dhawr jeer Boko Haram weerareen dadna ku laayeen masaajid lagu canbaareeyay falalka argegixiso.
Intii ka danbeysay sanadii 2010kii ayaa la sheegay in kooxda Boko Haram ay dalka Nigeria ay ku leysay dad tiradooda lagu sheegay in ay yihiin ilaa 1,700 oo ruux.
Dilkan ayaa soo shaac baxay ka dib kolkii saxaafada dalkaasi ay ka warheshay Video uu ka muuqday maaxa Boko Haraam Abubakar Shekau oo dul taagan meydadka dad dhawaan lagu laayay gobolka Borno.
Madaxa Boko Haram ayaa sheegay in ay sii socon doonaan hawlgalada Islamiyiinta,sheegayna in kooxdiisu haatan ay leedahay awood ay Mareykanka ku weerarto.
Gobolada Woqooyi Bari ee dalka Nigeria ayaa haatan waxa ka jira xaalado degdega oo ciidamada dalkaas ayaa la wareegay dhamaan degaanadaas.
SDN-Maiduguri
contact@somalidiasporanews.com