|

Isarel oo Soo Riday Gantaal Masar lagaga soo riday

Jerusalem Aug 14,2013(SDN)-Ciidamada dalka Israel ayaa sheegay in ay soo rideen gantaal kaga soo dhacay dhanka dalka Masar,ciidamadu wax faahfaahin ah oo dheeri ahna kama aaney bixin gantaalkan.

Waa markii u horeysay ee gantaalada difaaca ee dalka Israel ay ku guuleystaan in ay soo ridaan gantaal dalkaasi lagu soo tuuray.

Koox Islamiyiina oo magacooda la yiraahdo Ansar Jerusalem ayaa saxaafada u dirtay email ay ku sheeganeyso weerarkan.

Gantaalkan lagu tuuray Israel ayaa ku soo beegmaya xili ay xiisad ba’ani maalmo haatan ka taagnaayeen xadka labada dal ee Masar iyo Israel.

Sarkaal u hadlay ciidamada Masar ayaa sheegay in aaney heyn wax xog ah oo muujinaya in gantaalka Israel soo riday laga tuuray degaanka Sinaay ee Masar.

Dalalka Masar iyo Israel ayaa sanadii 1979 kala sexeexday heshiis amni oo shacabka Masar aaney ku qanacsaneyn.

SDN-Jerusalem
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed