Dawlada Federaalka oo Warbixin Hordhac ah ka soo Saartay Sababta ka danbaysay Burburkii Diyaaradii Ethiopia
Muqdisho 13.Aug (SDN) Guddigii loo xil saaray inay soo baaraan xog rasmi ahna ka keenaan qaabkii ay ku burburtay diyaarad ka soo degeysay garoonka diyaaraddaha ee Aadan Cabdulle International, waxaana gudigan oo uu madax u ahaa Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Cabdishakuur Cali Mire ay soo saareen warbixin horudhac
Guddigii loo xil saaray inay soo baaraan xog rasmi ahna ka keenaan qaabkii ay ku burburtay diyaarad ka soo degeysay garoonka diyaaraddaha ee Aadan Cabdulle International, waxaana gudigan oo uu madax u ahaa Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Cabdishakuur Cali Mire ay soo saareen warbixin horudhac ah, waxayna u qorneyd sidan:-
Dayuuradda oo ahayd Ethiopian Air Force, waxaa nooceedu ahaa Antonov An-12, waxaa ku dhacay shil dabiici ah oo ku qabsaday garoonka Aden Cadde, taariikhdu markay ahayd 09 August 2013.
Dayuuraddani Aircraft Reg: 1513 waxaa ay ka timid Ethiopia , waxaana ay ku socotay Muqdisho. Waxaa saarnaa 6 shaqaalaha dayuuradda ah, ma jirin dad rakaab ah oo dayuuradda saarnaa.
Dayuuraddu waxaa ay isku dayday in ay caga dhigato Runway-ga garoonka, hase yeeshee waxaa dhacday in ay ka baxday wadadii, waxay sii martay qar-qarka wadada kadibna dab ayaa ka kacay dayuuradii.
Si loo badbaadiyo waxaa u gurmaday gaadiidka Dab-damiska, waxaa la bad-baadiyay 2 qof oo shaqaalaha dayuuradda ahaa, kuwaasi oo markiiba loo qaaday cisbitaalka Amisom.
Waxaa shilkaasi ku dhintay 4 qof oo kale oo shaqaalaha dayuuradda ahaa. Waxayna guddigani dhowaan soo bandhigi doonaan macluumaad dhameystiran oo la xariirta burburkan diyaaradeed.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com