Iska Hor Imaad ka Dhacay Dhuuso Marreeb oo Qof ku dhintay
Dhuuso Marreeb 13.Aug (SDN) Hal qof ayaa geeriyooday, mid kalena waa uu dhaawacmay kaddib howlgal lagula dagaallamayay jarista dhirta oo maanta ciidamada maamulka Ahlu Sunna ay ka sameeyeen deegaanno hoos yimaada degmada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Deegaannada ay ciidanka howlgallada ka sameeyeen waxa ay kala yihiin Xananbuure, Miiracad iyo Olol, oo ay ku dhuumalaysanayeen siddeed qof oo lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen howlo jaris dhir.
Iska horimaadka ayaa dhacay kaddib markii dadkaasi oo hubeysnaa ay la dagaallameen ciidanka Ahlu Sunna.
Guddoomiyaha degmada Dhuusamarreeb, Macallin Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda-qoroow) oo howlgalka amray, lana hadlay Bar-kulan ayaa sheegay in qofka dhintay uu ka tirsanaa eedeysanayaasha la qaban rabay, halka mid dhaawacmay uu ka tirsanaa ciidanka Ahlu Sunna.
Dhuuso Marreeb SDN.
Qurbejoog.com