Gudoomiyaha Baarlamanka Somalia Oo La Kulmaya Dhigiisa Wadanka Uganda Maanta Kalana Hadlaya Arrimo Badan
Kampala 13.Aug (SDN) Gudoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo safar shaqo ku jooga magaalada Kambala ayaa lagu wadaa in uu maanta la kulmo dhiggiisa dalkaasi.
Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari gudoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo shalay gaaray magaalada Kambala ee dalka Ugandha ayaa kulamo kala duwan la qaadandoona mas’uuliyiinta dalkaasi iyadoo kulanka ugu horeeya lagu wado in gudoomiyuhu maanta la qaato dhiggiisa dalkaasi.
Kulanka labada gudoomiye Baarlaman ee Soomaaliya iyo Uganda ayaa lagu wadaa in looga hadlo wada shaqeynta labada Baarlaman iyo sidii loo horumarin lahaa xiriirkooda isuna dhaafsanlahaayeen qibrad iyo aqoon.
Gudoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa la filayaa iney kulamo kale oo dheeraad ah la qaataan mudanayaal ka tirsan baarlamanka dalkaasi.
Wafdiga uu hoggaaminayo guddoomiyaha Baarlamanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shalay gaaray magaalada Kambaala ayaa casuumaad rasmi ah ka helay Baarlamanka dalka Uganda.
Kampala SDN.
Qurbejoog.com