Madaxtooyadda oo Xal U Raadinta Tabashooyin Reer Saaxil Tirsanayaan ku xidhay Xaal laga bixiyo Aflagaadooyin Madaxweynuhu Dhegoweyne ka Sheeganyo
Hargeysa-13-Aug-2013(SDN)Madaxyooyadda Somaliland oo dhawaan ballan ku qaaday xallinta tabashooyin beesha Ciise Muuse ka qabtay Digreeto Madaxweyne Siilaanyo ku laalay dhulka u dhaw Dekedda iyo kuwo hore oo Is biirsaday oo loo balansanaa Ramadaan kadib ayaa u muuqda in ay ka hor timid caqabad aanay filanayn.
Sida ay sheegeen qaar ka mid ah Odayadii ka mid ahaa Guddida loo saaray xalinta tabashooyinka Reer Saaxil oo isku dayay in ay balan ka soo sameeyaan Madaxtooyadda ayaa laga hor keenay shuruud ah inta aan ballan loo qaban in ay Xaal ka keenaan eedihii Ibraahim Dhagaweyne isagoo ka mid ah Golaha Wadatashiga iyo Badbaadada ujeediyay Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Arrintan ayaa Odayadii iyo Beesha ay ka tirsanaayeenba ku keentay caqabad aanay dhaafi karayn, taasoo aanay dhaadayn in ay ku soo bixi doonto, maadaama beeshu ku kala jabtay taageerada Golahaas oo qaarkoodna ay taageereen kuwo kalena ka soo horjeesteen.
Dhacdadan ayaa sababtay Odayadii beesha Ciise Muuse ee hormoodka ka ahaa wada xaajoodka tabashooyinka gobolkoodu inay ka gaws qabsadaan xujada la hor dhigay, waxaanay shalay kulan balaadhan oo ay goob joog u ahaayeen hormoodka Beeshu isugu yimaadeen hotelka Xaraf si ay go’aan uga qaataan arrintan isla markaana uu ugu hirgalo qorshahii ay xukuumadda ku wada socdeen.
Kulanka shalay oo ahaa mid ay albaabadu u xidhnaayeen ayaan la ogayn jawaabta ay ka bixiyeen hal-xidhaalaha hor yaala, wallow warar xogogaal ahi sheegeen in ay ku kala aragti duwanaadeen, hadana wali waa mid beesha ku mudan oo ay u raadinayaan sidii ay iskaga qaadi lahaayeen seeska adag ee la hordhigay.
Lama oga Ibraahim Dhagaweyne go’aanka uu ka qaadan doono haddii Beeshiisu xaal ka bixiso hadaladii uu ku weeraray Madaxweyne Siilaanyo oo ay xiligan si ba’an isaga horjeedaan marka loo eego Geediga siyaasadeed ee uu Golaha uu Af-hayeenka u yahay daah-furay, hase yeeshee dhinac siyaasadda marka laga yimaado waxa Ibraahim horyaala laba Arrimood oo aanu ka fursanayn in uu hor istaago, waa ta koowaadee Qasriga Madaxtooyadda oo ay Marwada Koowaad ka soo jeedo beeshiisa oo aanu sinaba u dhaafi Karin, iyo duruufta beeshiisa haysatay oo ah tabashooyin ay kula gal-galanayaan wax ka qabashadooda.
Labadaas arrimoodba waa laba arrimood oo geedka ku xidhi kara Ibraahim dhagaweyne haddii uu ku raaco iyo haddii kaleba waxaanu warankani noqon doonaa gol-jilic laga soo galo geed adaygnimada siyaasadeed ee uu la holladay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, taasoo ka gubatay weedhihii iyo Su’aalihii uu ku ganayba.
Si kasta ha ahaatee waxa laga war sugaa waa dhawaaqa ka soo bixi doona Beesha Ciise Muuse ee Gobolka Saaxil, iyadoo aanay muuqanin wax fursad ah oo ay Ibraahim kaga samayn karaan Raalli gelin uu bixiyo.
Xigasho: Somalilandlive.
Somalidiasporanews.com
Hargeysa/somaliland