|

Mareynkanka oo Baadhaya Dhallinyarada ka Tegaysa Dalkiisa iyo Lacagaha Loo soo Dirayo Soomaaliya

CIAWashington:13-Aug-2013(SDN)Ururka Al-shabaab ee dalka Soomaaliya kula dagaalamaya ciidamada sida wadajirka ah isku gacansiinaya ee AMISOM iyo dowlada Soomaaliya ayaa sii horumarineysa xifaaltanka dhanka Internetka ee ay kula jirto dowladaha reer galbeedka.

 

Sida lagu qoray wakaalada wararka ee AP,muuqaalka shabaab ay ku baahiyeen Barta Interneka ayaa muujinayay sida dhalinyarada ka imaaneysa dalka Mareykanka ugu bar bar dagaalamaan Al-shabaabka Soomaaliya iyo guubaabo shabaab markale ay u sameeyeen dhalintaasi oo ah inay dagaalka kala qeyb qaataan.

 

Muuqaalka cusub ee Al-Shabaab oo hal ku dhigiisa ahaa mid lagu dhiiragelinayo Dhalinyarada ku dhaqan Reer galbeedka gaar ahaan Mareykanka inay Soomaaliya u soo dagaalamaan ayaa Al-shabaab waxay balan ku qaadeen in dagaalada ay sii wadi doonaan.

 

Dhanka kale dowlada Washington ayaa wadda Baadhitaano ku aadan sidii ay ku ogaan lahayd dadka shabaab lacagaha dalkaasi uga soo dira iyo waliba dhallinta u soo ambabaxeysa halka ay dalkaasi kaga sugan yihiin.

 

Waxaana baadhitaankaasi wada ciidamo sirdoon ah sida dowlada Mareykanka ay sheegtay oo arintaasi ka war haya.

 

Dacwad ogayaal Mareykan ah ayaa dowlada u sheegay Ururka Al-shabaab ay ku hormarsan yihiin baraha bulshada ay ku sheekeystaan halkaasi oo ku gudbiyaan digniinaha ay u dirayaan dowladaha dirirtu kala dhaxeyso.

 

Gobolka Minnesota waa meesha ugu badan oo Soomaalida Mareynkan tagay ay ku sugan yihiin,waana meelaha ugu badan Mareynkanka uu kaga shakisan yahay in dhalinyarada Soomaaliya aadeysaa ka tagaan,waxaana howlgalka xoogiisa uu ka socda magaalooyinka gobolkaasi.

 

Shabaab ayaa hore wacad ugu maray inay sii wadi doonaan dagaalada ay kala soo horjeedaan wadamada ku hor gudban fikradahooda.

 

Lama garanayo meesha uu cago-dhigan doono baadhitaankan ay dawladda maraykanku waddaa, balse waxa jira warwar hor leh oo soo food saaray soomaalida ku dhaqan maraykanka oo ku aaddan dabagalkan lagu hayo dhaqdhaqaaqooda.

Somalidiasporanews.com

Comments are closed