|

Guddidii Ka Hortagga Tahriibta iyo Shaqo-abuurka Oo Kulan madhalays ah la Yeeshay Ardayda Dugsiyada Sare Ee Somaliland

ardayHargesya:13-Aug-2013 (SDN)Guddidii Dhawaan Madaxweyne Siilaanyo U magacaabay Ka hortagga Tahriibka iyo shaqo-abuurka, ayaa habeenkii xalay  Kulana  yeeshay  xarunta wasaaradda Arrimaha Gudaha Ardayada Dugsiyada Sarre ee Somaliland.

Kulankan ayaa waxa Goob-joog ka ahaa Guddidii wasiirada ahaa ee kala ahaa wasiiradda wasaaradaha, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.,  Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska,  Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta, Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka iyo taliyasha Ciidamada Booliska iyo Socdaalka.

Kulankan markii uu dhamaaday waxa warbixin ka siiyey warbaahinta wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Cali Maxamed Warancade waxaanu sheegay in kulankaasi uu ahaa mid ay kula kulmeen dhalinyaradaDugsiiyada Sarre dhigta oo ay kala hadleen dhibaatada ay leedahay tahriibku.

Wasiirka Arrimaha Guddaha ee Somaliland oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi. “Shirkan aanu caawa yeelanay waxa uu ku saabsanaa siddii looga hortagi lahaa dhibaatada tahriibta, oo runtii dhalinyaradeeni aad u wiiqday, dhibaatada inaga soo gaadhayna waynu wada ognahay, guddidani waxa badan way qabatay, oo shaqo abuuris ayey wadaa, dhinca xukumada iyo dhinaca shirkadaha madaxbaan siddii qorshe cad loogu samayn laha dhalinyarada Somaliland, caawa(xalay) waxaanu la kulanay dhallinyarada iskuulada Sarre ee dalka, waxa kale oo aanu la kulmidoona kuwa jaamacadaha, waxa kale oo aanu la kulmidoona Ururada Bulshada, waxa kale oo aanu la kulmi doona ganacsatada iyo hay’ada dalka, waxa kale oo aanu ka hadlanay siddii loo sameyn laha dugsiyadii farsamada gacanta si dhalinyarado badan ay aqoon ay ku shaqo galan ay u bartaan, .”Ayuu yidhi wasiirku

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in ay gacanta ku dhigeen Xubno uu sheegay in ay ku eedeysan yihiin Tahriibinta dhalinayarada Somaliland, waxa kale oo uu xusay in talaabooyin wax ku ool ah ay qaadeen oo ku saabsan siddiii ay u joojin lahayeen tahriibka.

Kulankan ayaa  u muuqday mid hadal uun ku bilaabmay kuna dhamaaday oo aan lahayn qorshe iyo ajande kale oo intaas sii dhaafsiisan, waxana laga dareemayey wajiyada Ardaydii ka qaybgashay  yididiilo la,aan, maadaama aan loo soo bandhigin wax ay tahriibta kaga maarmaan, iyadoo ay  tahriibtu tahay wax inta badan ay duruufo dalka ka jiraa keeneen oo aan iska imanin.

 

Somalidiaspornews.com

Axmed Cumar Axmed (timo)

Mawliidguure@yahoo.com

Hargeysa/Somaliland.

 

Comments are closed