|

G/ku-xigeenka Xisbiga Wadani ee Dalka Norway Oo Tilmaamay Qodobo Khatar Ku Ah Amniga Somaliland

Oslo  13.Aug (SDN) G/ku-xigeenka Xisbiga Wadani ee Dalka Norway Mr. Naasir Cali Muxumed (N. Cali Talyaani) ayaa ka hadlay qodobo muhiima oo amniga Somaliland  waxyeeli kara .

G/Kuxigeenku isagoo arimahaa ka hadlaaya waxa uu yidhi:-“ Asc waxaan ugu horayn halkan ka salamayaa dhamaan  bahdda Saxaafada xorta ah, Hadii aan u soo noqdo,arinta igu kaliftey in aan  maanta hadlo , Waxa ay tahay ,arimo ku saabsan xagga nabad galyadda guud ee waddanka Somaliland. Waxaanaan filayaa in qofkasta oo muwaadin ah in uu xil iska saaro,si dii uu wadankiisa uga qeyb qaadan lahaa horumarkiisa. Waxa beryahan,danbe dalkeena ku soo batey,gaadiidka muraayadda in lagu xidho baco mad madow,taas oo marka aad u dhabo gasho keeni kara  khatarro xagga nabad gelyadda,una baahan in si dhakhso ah dawladdu ay  uga hortagto khasaaraha ka imankarra oo runtii nabadgelyadda guud iyo ta gaar ahaaneed si toos ah uga hor iman karta.”

Dhinaca kale G/ku-xigeenka Xisbiga Wadani ee Dalka Norway Mr. Naasir Cali Muxumed (N. Cali Talyaani) ayaa waxa uu ka hadlay xaga nadaafada magaalada Hargeysa oo uu tilmamay inay hoos u dhacday waxaanu yidhi:-“Arinka kale ee aan doonayo in aan halkan ku xusso,waxa uu yahay,waxaan Magaaladda hargeisa oon dhawaan booqasho ku tegey ku arkay,wax yaallo runtii aan aad ula yaabay,waxana ka mid ahaa,waxaan arkey marka uu roobku da’o in xaafaddaha magaaladdu ay biyo raaciyaan qashinkii guriga oo ay aheyd in Dwaladda hoose ay ka qaaddo xafaddaha dhexdoodda taasi waxa ay keeni kartaa,caafimaad darro iyo in khashinkii iyo bacihii ay foolxumo weyn ku keentay,dhamaan bilicdii magaldda.”

Gabagabadii ayaa Mr.Naasir Cali Talyaani Waxa uu talo usoo jeediyey ,Haayadaha ay Khusayso arimahani waxanu yidhi:- “Kadib markii aan arkey ,arimaha aan kor ku xusay,waxa aan talo ugu soo jeedin lahaa,hayaddaha ay khuseysso in ay si deg deg ah uga howlgalaan,siiyaana wacyi gelin , buuxda  dadweynaha deeganadda ay dhibtu ka jirto.

ugu danbayntii ayaa Mr. Naasir Cali Talyaani waxa uu hamabalyo iyo Mahadnaq usoo jeediyey Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland waxaanu yidhi:- “Waxaan doonayaa in aan halkan uga mahadnaqo,wasiirka cusub ee wasaradda arimaha gudaha, mudanne ALI WARANCADDE,oo runtii ku talabsadey,shaqo dhaxal gal ah ,mudadii yareyd ee uu wasaardda uu joogey.”.

Oslo SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed