Saraakiisha Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku Dhawaaqay Weeraro ka dhan ah Al Shabaab
Baladweyn 12.Aug (SDN) Kumanaan Ciidan oo kamid ah Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan oo Dhawaan tababar Ciidan loogu Soo Gabagabeeyey Duleedka Magaalada baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa la Sheegey in Ciidamadaasi ay weerar ku yihiin Goobaha ay ku sugan yihiin Ururka Al-Shabaab ee ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Saraakiisha Ciidamada Gobolka Hiiraan oo la Hadlay warbahinta ayaa sheegey in ay Diyaar u yihiin in ay guud ahaan gobolka ay ka saaraan kooxda Al-Shabaab deegaanada ay wali haraadiga ku yihiin.
Saraakiisha maamulka Gobolka Hiiraan waxaa ay tilmaameen inay haatan u diyaarsan yahiin ciidamadooda gaadiidka dagaalka Iyo saanadahooda hubka ah, ayna dhawaan duulaan deg deg ah qaadayaan si ay deegaanada iminka ka maqan gacanta dowladda ay u soo celiyaan.
Si kastaba ha ahaatee hadalkaan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xili dhawaan ciidmada maamulka GObolka hiiraan loogu deeqay gaadiidka dagaalka iyo saanado hub ah, taasoo maanta keentay inay saraakiisha Gobolka ku hanjabaan inay gacanta ku soo dhigayaan deegaanada kale ee Gobolka.
Baladweyn SDN.
Qurbejoog.com