Madaxweyne Siilaanyo oo Xilkii ka Qaaday Gudoomiyihii Hay’ada Qurbejooga Somaliland
Hargaysa 12.Aug (SDN) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa maanta si rasmsi ah Xilkii uga Qaaday Gudoomiyihii Hore ee Hay’ada Qurbejooga Somaliland Maxamud C.raxmaan Cali isla markaana ka dalbaday inuu Xilka si Ku Meelgaadh ah ugu wareejiyo Wasiirka Arrimaha Dibada .
Sidaana waxaa lagu Sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul) kaas oo u dhignaa Sidan:
Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-1963/082013 uu xilkii kaga qaaday Gudoomiyihii Hore ee Hay’adda Qurba-jooga Somaliland, Mudane, Maxamuud Cabdiraxmaan Cali,
WAXAANU MADAXWEYNUHU YIDHI:-
Waxaan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Gudoomiyaha Hay’adda Qurba-jooga Jamhuuriyada Somaliland.
Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay si ku meel gaadh ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane, Maxamed Biixi Yoonis, inta aan cid kale u soo magacaabayo.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com