|

Gudoomiyaha Baarlamanka Somalia oo u Jihaystay Caasimada Uganda ee Kampala

Muqdisho 12.Aug (SDN) Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Muqdisho,  iyagoo ku sii jeeda magaalada Kambala ee dalka Uganda.

Wafdiga uu hoggaaminayo guddoomiyaha Baarlamanka ayaa waxaa ka mid ah gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Barlamanka Mahad Cabdalla Cawad, guddoomiyayaasha guddiyada joogatada ah ee baarlamanka iyo xildhibaano kale.

Safarka gudoomiyaha Baarlamanka iyo wafdiga uu hogaaminayo ay ugu ambabaxeen dalka Uganda ayaa ka dambeyeyay casuumaad rasmi ah oo ay ka heleen Baarlamanka dalka Uganda.

Ugu damebyntii mudada uu joogo gudoomiyaha Baarlamanka dalka Uganda ayaa waxa uu kulamo la qaadan doonaa dhiggiisa dalkaasi, iyadoo lagu labada dhinac ay kala saxiixandoonaan heshiis rasmi ah oo wax wada qabsi, laguna mataaneynayo Labada Baarlaman Soomaaliya iyo Uganda.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed