Farmaajo oo Casho Sharaf la Qaatay Ardayda Ka Qalinjebisay Ohio (Daawo)
Columbus Aug 12,2013(SDN)-Hay’adda SOMALICAN ayaa waxa ay soo abaabushay xaflad qalinjabin ah oo loo qabanayay ardada Soomaaliyeed ee ka soo baxday dugsiyada Sare, Jaamacadaha, iyo Kulliyadaha gobolka Ohio, iyada oo ardada lagu dhiiri galinayay waxbarashadooda.
Waxaa xafladan ka soo qeybgalay arday, aqoonyahanno, siyaasiyiin, mas’uuliyiinta Gobolka Ohio sida Duqa Magaalada Columbus Michael B. Coleman, Raysal Wasaare Maxamed C/laahi Farmaajo, Wasiirkii Waxbarashada dowladii Farmaajo Dr: Cabdinuur Sheekh Maxamed, Xildhibaan Boonoow, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Biljam Cali Siciid Faqi, Duqii hore ee Magaalada Muqdisho Cabdullaahi Salaad, Madaxa Dugsiyada Columbus Dr. Dan Good iyo Dadweyne aad u badan.
Shahaadooyin ayaa la guddonsiiyay hay’adihii dhiiri galiyay Barnaamijkan, iyo ardadii dhammaysatay sanad dugsiyeedka 2013ka.
Arday wax ku soo bartay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ayaa ka hadlay dhalinyarada xeryaha ku jirta iyo dhibaatada ay wax ku bartaan isaga oo xusay in ay yihiin dad lagu xisaabtami karo oo leh Mustaqbal fiican kana faa’iidaystay xiligii adkaa ee ay soo mareen.
Dhammaan mas’uuliyiintii ka hadashay casho sharafta ayaa ku dheeraday ahmiyadda waxbarashadu u leedahay dadka iyo in ay tahay waxa kaliya ee qofka gaarsiin kara nolol dhab ah oo uu dunida wax kula wadaago.
Ardada ayaa lagu guubaabiyay in ay sii laba jibaraan waxbarashada una guntadaan in ay wax u taraan dalkooda iyo dadkooda kadib marka ay idleeyaan waxbrashada.
Tani waa qalinjabintii 4aad ee ay Hay’ada SOMALICAN u qabato ardada tan iyo 4tii sano ee la soo dhaafay taas oo dhiirri galisay arday badan.
Jibril Maxamed oo ah madaxa Hay’adan ayaa ka mahad celiayay xaflada iyo sida ay jaaliyadu uga qeyb qaadatay.
Deeqo Shire (SONNA)
Deeqosonna@gmail.com