|

3-Askari oo ka tirsan ciidamada Naato oo Qudha Lagaga Jaray dalka Afghanistan

natoKabul:12-Aug-2013 (SDN)Saraakiisha Isbahaysiga Nato ee ku sugan dalka Afganistan ayaa sheegay in sadex askari oo ka tirsan ciidamadooda lagu dilay bariga dalka Afganistan Axadii shalay.

Ciidamadani oo ka kala yimid wadamo kala duwan  kuna sugnaa bariga dalka Afganistan ayaa bayaan ay soo saareen saraakiisha isbahaysiga Nato ku sheegeen inaan la xaqiijin wali wadamada ay u kala dhasheen iyo qaabka uu dilkoodu u dhacay.

Wakaalada wararka ee Reuters  ayaa soo xigatay sarkaal Maraykan ah oo sheegaya in sadexdaasi askari ee la dilay ay u dhasheen dalka Maraykanka isla markaasina ay dileen dagaal yahano ka yimid gobolka Paktia.

Gobolka Paktia ee askartaasi lagu dilay ayaa la sheegayaa inuu ku yaalo aaga xadka dalka Afganistan uu la wadaago wadanka Pakistan isla markaasina uu yahay halka ugu badan ee ay weerarada loogaga qaado ciidamada Naato, intii uu socday  dagaalkii Maraykanku hogaaminayay ee 12 ka sano qaatay ee dalka Afganistan.

Tirada dhimashada ee ciidamada shisheeye ee lagu dilay dalka Afganistan ayay sadexdasi askari waxay ka dhigaysaa 130 askari sanadkan oo kaliya kuwaasi oo 78 kamid ah ay u dhasheen dalka Maraykanka.

Ciidamada isbahaysiga Nato ee uu Maraykanku horkacayo isla markaasina ku sugnaa wadanka Afganistan ayaa lagu wadaa inay ka baxaan dalka Afganistan dhamaadka sanadka 2014.

 

Somalidiasporanews.com

 

Comments are closed