|

Wiil Uu Madaxweyne Siilaanyo Dhalay oo U Soo Biyeystay Sidii Uu Meesha Uga Saari Lahaa Wasiir Xirsi Iyo Dagaal Afka Ah Oo Madaxtooyada Ka Dhex Dhacay

  

SIILAANYOHargeysa: 12-Aug-2013(SDN)-Warar Hoose  oo laga helayo Aqalka Madaxtooyada Somaliland, ayaa  sheegaya inay Maalmihii la soo dhaafay Madaxtooyada dhexdiisa  ay isku faro-saari gaadheen Wasiirka Madaxtooyada ee Xukuumadda Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wiil uu dhalay Madaxweynuhu oo  la sheegay inuu Dibadd uga yimi sidii uu wasiir xirsi meesha  uga saari lahaa.

Sida ay sheegayaan warar hoose oo ay warbaahintu  ka heshay Aqalka Madaxtooyada, Wiilka ayaa hadalo taagtaagan ku hilgaaday Wasiir xirsi oo madaxtooyada dhexdeeda ku sugan, hadaladaas oo wasiir xirsi aanu wax jawaab ah ka bixin, balse Marwada Madaxweynaha oo ah hooyada wiilkani ku dagaashay wiilkeeda, ayaa la sheegay inay wiilkeeda ku canaanatay falka uu ku kacay.

 

Wiilka uu madaxweynuhu dhalay oo magaciisa la yidhaahdo Cabdisalaan Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ka yimi waddanka Suudaan gaar ahaan Gobolka Daarfuur oo uu ka shaqeeyo, ayaa ujeedada uu dalka u yimi ay tahay sidii uu meesha uga saari lahaa afduubka wasiir xirsi ku haysto talada waddanka oo hada si weyn u taabatay qoyska Madaxweynuhu ka soo jeedo (Aadan Madoobe), oo la sheegay inay ku hawlanyihiin abaabul ka dhan ah Xirsi.

 

Hase ahaatee warku wuxuu intaasi ku dayaa in imaanshiyihiisu ka dambeeyay, magacaabista Wasiirka arrimaha dibada ee cusub Maxamed Biixi Yoonis oo ay Gobolka Daarfuur ka wada shaqaynayeen, isla markaana ah ninkii shaqada qoray, muddo ka hor intaanu Aabihii Madaxweynaha noqon.

 

Cabdisalaan Axmed Siilaanyo, ayaa la sheegay inuu ahaa qofkii  xidhiidhka u furay Madaxweynaha iyo Wasiir Maxamed Biixi Yoonis, ka hor intaan la magacaabin, ka dibna sababta u ahaa in magacaabistiisa oo uu Wasiir Xirsi diidmo cad iyo waji dadab kala hor yimi, ilaa markii uu xilka la wareegay.

 

Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo xubno ka mid ah Wasiiradda ay xulafada yihiin, ayaa si toos ah uga biyo diiday magacaabista Wasiirka Khaarajiga, kuwaasoo markii la soo dhaweynayay ilaa hada aan mar qudha il saaxiibtinimo iyo mid wada shaqayneed toona ku eegin, halka kooxda Taageersan iyo bulshaduba soo dhaweysay.

 

Imaanshiyaha Wiilka Madaxweynuhu dhalay iyo dagaalka uu ku bilaabay Xirsi ayaa lagu tilmaamayaa  mid bar-bilow u ah in Gabalkii Xirsi ka sii dhex dhacayo Aqalka madaxtooyada oo uu in badan ka arrimin jirey.

Balse waxa la hadal-hayaa in wasiir Xirsi Hiil ka helayo Marwada Madaxweynaha oo  ah udub-dhexaadka uu Xirsi cuskan doono iyo waliba kooxda ku hareeraysan ee Xirsi hormoodka u yahay sida ay sheegeen ilihii wararkan dibadda u soo saaray.

 

Wiilka ayaa isagu wasiir xirsi ku  yidhi “aabahaybaad umaddi nacsiisay, sumacadiisiina aad ku ciyaartay, wallaahi hadaanu meel iska kaa marin wayno sidii dahabshiil meel iskaga kaa mariyay,” intaas kadib waxa hadaladan taagtaagan maqashay marwada madaxwaynaha oo iyadu markiiba kabo kula carartay wiilkeeda iyadoo ku tiraabaysa waar ma adeerkaa ayaad gacanta u qaadaysaa oo aad sidan ula hadlaysaa waar miyaanad ogayn inuu yahay ninka aabaahaa heerkaas soo gaadhsiiyay intaas kadib wiilka ayaa gudaha u galay aqalka madaxtooyada”

 

 

 

Si kastaba ha ahaatee sheekadan ayaa ku soo beegmaysa xili Wasiir Maxamed Biixi Yoonis markii uu dalka yimi la kulmay digniino ay u soo jeediyeen Xubno ka mid ah Siyaasiyiinta mucaaridka ku ah Wasiir xirsi, kuwaas oo ku war-geliyay inay shaqadiisa hortaalo Is-baaro madaxtooyada dhexdeeda taala oo ay Wasiiro badani ku turun-turoodeen, taasoo uu sheegay inaanu wax sas ah ka qaadayn, isla markaana aanu shaqadiisa u daba-fadhiisanayn qof kale oo aan madaxweynaha ahayn.

 

Waxaanay dadka arintan la socdaa ku doodayaan in Wasiir Maxamed Biixi Dacwada Xirsi u gudbiyay Wiilka madaxweynaha ee uu isagu shaqada Daarfuur qoray, kana soo shaqeeyay Wasiirnimadiisa.

 

Wali kama ay soo bixin warar rasmi ah oo arrintan la xidhiidhaa, balse waxa ay u muuqataa in wiilkan dhallinyarada  ah ee uu Madaxweynuhu dhalay u soo biyeystay sidii uu meesha uga saari lahaa wasiirka uu u arko inuu laf dhuun gashay ku noqday hab-sami-u-socodka hogaanka Aabhihii, islamarkaana ay ka go’antahay inaanu kaga tegin madaxtooyada.

 

Xigasho Gobanimonews.com

Somalidiasporanews.com

Hargeysa/ Somaliland

 

Comments are closed