Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo in ka badan 500 Macallin mushaharkoodii ka Musuqmaasuqday.
Hargeysa:12-Aug-2013 (SDN)Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa in ka badan shan boqol oo macallin oo dhawaan si rasmi ah ugu biiray shaqaalaha dawladda ka musuqmaasuqday mushaharkoodii bishii July ee Ina dhaaftay oo ay xaq u lahaayeen.
Macallimiintan ayaa dhamaadkii bishii lixaad ee ina dhaaftay qaatay mushaharkoodii lixdii bilood ee ugu dambeeyey hal mar qaatay, ayaa markii ay wasaaradda u doonteen mushaharka bishii July loo sheegay inaan wax lacag ah loo haynin.
Qaar ka mid ah macallimiintaas oo shabakadda wararka ee Qurbejoog.com ay la kulantay, ayaa sheegay inay masuuliyiinta wasaaraddu ka musuqmaasuqeen lacagtii ay xaqa u lahaayeen, islamarkaana si badheedh ah loogu sheegay inaan bishan wax mushahar ah loo haynin, “ markii aanu wasaaradda tagnay annagoo xaqayagii doonayna waxa naloo sheegay inaan bishan wax lacag ah naloo haynin, markii aanu masuuliyiinta sarsare u tagnayna waxa ay na yidhaahdeen saydinkii maalintii dhaweyd qaatay mushaharka badan ee lixda bilood ah ma bil kaliya ayaad ka calaacalaysaan, iska samra bishaas lacagteedii idiin ma hayna e.” sidaas waxa qurbejoog.com u sheegay mid ka mid ah macallimiinta cusub ee lacagtoodii loo diiday oo magaciisa ka gaabsaday.
Tallaabadan ayaa caddaynaysa inay wasaaradda waxbarashada dhexdeeda ka jiraan musuq iyo wax isdabamarini, waxana ilaa haatan aan la fahmin ciddii lacagtaa lunsatay inay wasaaradda maaliyadda tahay iyo inay wasaaradda waxbarashada tahay.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda ayaa isagu faan ka dhigtay tirada macallimiinta ah ee uu sanadkan mushaharka u bilaabay, waxase faankaas ka dambaysay inay macallimiintiiba waayaan wixii adduunka loo sheegay oo ahayd in lacagtoodii toos loo siiyey.
Masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada oo aanu isku daynay inaanu arrintaa wax ka weydiinno, ayaa ka gaabsaday, iyagoo ku andacooday inaanay arrintaas ka hadli Karin, halka qaarkoodna ay dafireenba in wax lacag ah ay hakiyeen.
Maaha markii ugu horraysay ee ay macallimiintu ka cawdaan lacago ay xaq u lahaayeen oo ay waayeen, waxase mar walba iska dhacda inay macallimiintu mushahar la’aan ku dhacaan.
Somalidiaspornews.com
Axmed Cumar Axmed (timo)
Hargeysa/Somaliland.