|

Talyaaniga:Haweenay Qarniyo Ka Hor Dhimatay Oo Haatan Qabrigeeda Dib Loo Qodayo. (Maxay Tahay Sababtu?)

Qabri qodis la bilaabay Florence: 12-Aug-2013 (SDN)Cilmi-baaDHayaal  Sar-sare, ayaa bilaabay qodista Qubuuro Qarniyo badan ka hor laga sameeyay Magaalada Florence, iyadoo Sababtana lagu sheegay in la helo Meydad xaqiijin kara Heybta Haweeney Sawir Caan baxay laga sameeyay.

 

Farshaxaniiste lagu magacaabo Lionardo Davinshi ayaa Sawiray Dhoola-cadeynta qarsoon ee Haweeneydan oo lagusoo bandhigay Sawir Gacmeedka Caanka noqday ee la yidhaa Monaliza.

 

Baadhayaasha ayaa qoday Dhul Dhagax ah oo ku yaalla Kaniisad laga Dul dhisay Qubuuraha Qoyska Ganacsadihii Xariirta ee Florence Farancesco Del Jiokonda oo la rumeysanyahay in Davinshi uu sawiray Xaaskiisii Liza Gerardini Qarnigii 16-aad.

 

Waxaa kala duwanaatay Aragtiyada laga qabo Shaqsiyadda dhabta ah ee Monaliza, inkastoo Qoraaga iyo Cilmi-baadhaha la yidhaa Silvano Vinisty oo horkacayay Guddiga Qaran ee taakuleynta Dhaxalka Taariikheed iyo Dhaqanka, kaasi oo isagu ku adkeysanaya in la sameeyo Baadhis Nuclear Acid ah oo Lafaha laga helay Qubuuraha lagu eegayo si Meydadka Saddex Haween ah oo Darbi halkaas ku dhaw ku aasnaa laga helay looga soo dhex saaro Nuclear Acid la Jaan-qaadi kara midka Monaliza.

 

Taariikh-yahanadu waxay leeyihiin Gerardini oo markii la guursaday ka dib loogu yeedhay Jiokonda, taasi oo ku taala Sawir Gacmeedka Monaliza ee Italy, ay Sanadihii u dambeeyay ku qaadatay halka la yidhaa Orsola, halkaas oo Sanadkii tagay laga bilaabay Baadhista Lafaheedii.

 

Vinisti wuxu rumeysanyahay in Liza Gerardini ay ku jirto Saddexda Haweenka ah ee halkaas ku aasan.

 

Wuxuu rajaynayaa in Lafaha laga helay Qubuuraha ku yaalla Kaniisadda hoosteeda qaarkood ay noqdaan Qof Xidhiidh Dhiig uu kala dhexeeyo Monaliza, wuxuuna noqon karaa sida loo badinayo Wiilkeedii Piero.

 

Somalidiasporanews.com

 

Comments are closed