|

Tiro ka badan 70 qof oo ku dhintay fatahaada webiga Nile

Khartum 11.Aug (SDN) Ilaa 70 ruux ayaa ku dhintay saddexdii maalmood ee la soo dhaafay fatahaada webiga Nile ee dalka Sudan, waxana sidoo khasaare xoog leh uu soo gaarsiiyay guryo kor u dhaafaya 48 kun.

niil2Roobab xoog leh ayaa todobaadkii la soo dhaafay ka da’ay gobollada Waqooyiga gaar ahaan gobolka Khartoum ee caasimada Khartoum ay ku taal oo ah halka ay ku kulmaan laba Nile kan cad iyo kan buluuga.

niil3niil4Dadka dhintay ayaa iskugu jiray kuwo guryo ay ku dumeen, kuwo biyaha ku haftay iyo maaso ka dhalatay Korontada darteed qayb u dhintay.

Masuuliyiinta dalka Sudan ayaa sheegay in deegaanka Albudaana roobab xoogan oo horay uga di’in ay sababeen Fatahaada webiga, waxana khatar ku jira ilaa 700 oo kun guri inay biyuhu dumiyaan.

niil5niilSudan ayaa guryaha badi dhoobo laga dhisaa, waxana fatahaadan ay sababtay inay xirmaan wadooyin hal bowle oo ilaa Nus Malyan dad ahi ku safri jireen maalin kasta.

Waxa la arkayay dadka oo isku deyeya inay horey u sii qaataan wixii karaankoda ah, iyadoona gurmad loo fidiyay ay suuroobi waydey in la xadido khasaaraha baaxada wayn ee fatahaadan ka dhashay.

Khartum SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed