Suldaan Xiirey Oo Madaxweynaha Ku Ammaanay Bixinta Derajooyinka Ciidamada Sheegayna Inay Tahay Mid Bulshada Iyo Qarankuba Ku Diirsaday
Hargaysa 11.Aug (SDN) Afhayeenka Salaadiinta Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey ayaa soo dhaweeyay bixinta Derejooyinka Ciidamadda kala duwan ee dhawaan Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo)ku taxay Ciidamadda kala duwan ee qaranka.
Afhayeenka Salaadiinta Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed (Xiiray) oo Wargeyska Saxansaxo u waramaayay ayaa sheegay inuu ku bogaadinaayo Madaxweynaha Somaliland Md Axmed (Siillaanyo) inuu dhamaystiray Haykalkii dawladnimo ee dalku u baahnaa, isla markaana Derojooyinka la bixiyay tahay mid dadweynaha iyo qarankuba ku diirsaday. waxana uu sheegay Suldaan Xiiray in isaga oo ku hadlaayaa af-ka Dhaqanka ee Cuqaasha Somaliland inay soo dhaweynayaan bixinta derojooyinka dalk.
Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray oo ugu horeyn ka hadlaayay sida uu u arko bixinta Derojooyinka ee Ciidamada Qaranka la siiyay waxa uu yidhi “Runtii Bixinta Derojooyinku waa mid dadka iyo qarankuba ku diirsaday oo goortii loo baahna ku soo beegantay,marka aniga oo ku hadlaaya afka Dhaqanka Cuqaasha Somaliland aad ayaan ugu hambalyaynayaa inuu Madaxweyne Axmed (Siillaanyo) nasiib u yeesho oo uu noqday Madaxweynihii ku guulaystay,runtii wuu ku amaanan yahay hirgalinta arintan”
Suldaan Xiirey waxa uu intaasi raaciyay “Anigu ma maqlin ee haddii ay jirto Cabanaysa ama saluugsan Derejo ay la siiyay ama ay wayday waxa aan leeyahay beri waad heli karta, haddii aad dedaasho oo nasiibku kugu simo ee u hambalyee walaalkaaga hada helay,waanan u ducaynayaa dhamaan Ciidamada qalabka sida ee qaranka Somaliland ee Madaxweynahu dhawaan garbaha ugu tolay Derojooyinka kala duwan waxa aan leeyahay dhamaantiin waad ducaysan tihiin waxa garabka laydiinku tolay maaha wax sahlan ee waa sharaftii iyo karaamadii qaranka ee waxa loo baahan yahay in aad ilaalisaan oo dhawrtaan”
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com