Sirdoonka Somaliland Oo Saaray Digniino ku Aaddan Khataro Amni-darro Oo Ka Soo Socda Ururka Al-shabaab.
Hargeysa: Aug-11-2013(SDN) Hay,addaha sirdoonka Somaliland, ayaa la sheegay inay ka digeen falal amaan darro oo ah Somaliland kaga soo socda dhinaca Ururka Al-shabaab oo Firxadkoodu ku soo wajahan yahay Bariga somaliland.
Waxa ay sheegeen Hay,addaha Sirdoonka Somaliland in Xubnahan oo dhalsho ahaan ka soo jeeda Gobalada Sanaag iyo Togdheer khatar ku yihiin amniga Somaliland haddii aan laga hortagin, iyagoo tilmaamay inay Hayaan xog sheegay inay nimankaasi ku soo fool-leeyihiin Deegaanada Bariga Somaliland.
Sargaal ka tirsan Ciidanka sirdoonka Somaliland oo magaciisa ka gaabsaday in uu sheego ayaa qaar ka mid ah warbaahinta u sheegay in waraaq qoraal ah oo arintaas la xidhiidha u gudbiyeen Xarunta Madaxtooyada Somalialnd si looga feejignaado khatarta ku soo foolka leh Deegaanada somaliland.
Somaliland ayaa wali xabsiga ku haysa qaar ka mid ah xubnaha Ururka Alshabaab oo ay hore u qabatay, waxana ay maanka ku haysaa inay Ururkaasi ku talo jiraan sidii ay u hagardaamayn lahaayeen Amniga iyo kala dambaynta ay Somaliland ku caano maashay.
Somalidiasporanews.com
Axmed Cumar Axmed (timo)
Hargeysa/Somaliland.