Orodyahan Moh Faarah oo Mar Kale Hantiyey Biladda Dahabka ah ee Oradka 10,000 mt
Moscow:11-Aug-2013(SDN) Oradyahanka Caanka ah ee Dhalasho ahaan ka soo jeeda Dalka Somaliland, islamarkaana haysta dhalashada Dalka Uk Mohamed Farah ayaa mar kale guul ka gadhaay Oradka 10,000 Mt ee Ka socda Dalka Ruushka.
Orodyahankan, ayaa Billaddan qaaday kadib markii in ka badan 35 orad yahan oo Caalamka ka socda ay ku tartameen Ciyaar qayb ka ahayd Horyaalka LAAF World Champion leage oo maalilntii shalay ka furmay Magaalada Moscow. ee Dalka Russian.
Moh Farah ayaa mar kale ku guulaystay oradka 10,000 Kun M kadib markii 2012 sidan oo kale guul uga soo hooyay Ciyaarahii Olmpic 2012 ee lagu qabtay Magaalada London.
Orad yahankan ku ordayay Magaca GB ayaa kaalinta kowaad galay kadib markii uu 10,000 ku soo af xidhay 27 Minuters iyo 21. 71 Seconds halka kaalinta labaad uu galay Ibraahim Jelani oo ka socda Itoobiya uu galay kaalinta labaad kaalinta sedaxaadna uu galay Paul Tanui oo ka socda Dalka Kenya.
Farah ayaa mar kale qaadan doona billadda Dahabka ah halka Jelani oo 2011 ugu danbaysay uu qaadan doono billadda Silver ka ah Paul Tanui waxaa la siin doonaa bilada Boronze.
Ciyaarahan ayaa ah Ciyaaraha fud fudud oo ka socda Dalka Russian waana kuwa labadii sano mar la qabto, waxaana ka qayb galaya 200 oo wadan oo dunida ka kala socda, waxa ayna iskugu jiraan dhamaan Ciyaaraha fud fudud ee Dunida laga ciyaaro.
Mo Farah oo ah Wiil Dhallinyaro ah ayaa u muuqda mid rajadiisu marba marka dambaysa ay sii wanaagsanaanayso, waxana uu Aaminsan yahay sidii uu guulo kale uga soo hoyn lahaa tartamada waaweyn ee caalamka laga ciyaaro.
Somalidiasporanews.com