“Ninkii is leh wax baa kaa maqan waa loo diyaar, dib ayaa loo qiimaynayaa,” Gudida Qiimaynta Darajada Ciidamada {DHAGAYSO}
Hargaysa 10.Aug (SDN) “Halkan waxa ku sugan Guddidii loo magacaabay darajo bixinta oo uu madaxweynaha Somaliland digreyto ku magacaabay bishii Septenber 25-2012, kuwaasi oo ka soo tallo bixinayey soona qiimeeyan habkii darajooyinka ciidammadda loo bixin lahaa, runtii hawshaasi darajo bixintu may ahayn mid dhib yar oo si sahal ah looga bixi karo.
Runtii halkan aanu ka bilaabnay darajo bixintu waa halkii aanu ka unugnay ee ma aha mid dhamaystiran si hadhowto halkaasi looga amba-qaado sidaasi ayaa loogu dhiiraday in darajooyinka la bixiyo,” Sidaa Waxaa Yidhi Gudoomiyaha Gudida qiimaynta darejooyinka ciidammadda Somaliland Saleeban Cumar (Ku-joog) oo ka hadlayay Shir Jaraa’id oo Maanta Gudidoodu ku qabatay Caasimada Hargaysa .
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Gudidadarajobixinta (1).mp3″]
Gudidii Qiimaynta Darajada Mobilkaaga ka dhagayso
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com