|

Ciidamada Jabuuti iyo kuwo dowladda oo howl-gal ka sameeyay Baladweyn

Baladweyn 10.Aug (SDN) Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti ee AMISOM ka mid ah ayaa maanta waxa ay howlgalo culus oo dad badan ku gacan galeen waxay ka sameeyeen magaalada B/weyne e xarunta gobalka Hiiraan.

Howlgalkaan ayaa ahaa mid xaafado badan oo Magaaladaasi ah laga sameenaayay, waxaana ciidamada ay xaafad xaafad u galaayeen magaaladaasi.

Dad badan ayaa lasoo qab qabtay, waxaana dadkaasi qaarkood la sheegay in lasii daayay halka kuwo kalena weli ay xabsi yihiin baaritaanna lagu haayo.

Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM weli wax war ah kama aanay bixin howlgalkaan, hase ahaatee arintaan ayaa imaanaysa xilli wasiirka gaashaandhiga dowladda uu ku sugan yahay magaalada B/weyne.

Baladweyn SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed