|

Hawlihii Airpor-ka Muqdisho oo caadi dib ugu soo noqday,Kadib Burburkii Diyaaradii Itoobia ee Shalay

Muqdisho 10.Aug (SDN) Waxaa maanta  caadi u socda hawlihii Airporka Muqdisho oo shalay si kumeel gaar ah loo hakiyey kadib markii ay halkaasi kusoo dhacday diyaarad ay leeyihiin ciidamada dowlada Itoobiya, diyaaradaasi oo hub siday.

Diyaaradan ku burburtay Airporka Muqdisho ayaa shalay keentay in la joojiyo diyaaradihii halkaasi kasoo degayey kadib markii looga cabsi qabay in waxyeelo kasoo gaarto rasaastii saarneyd diyaaradaasi oo qaraxday kadib dab xoogleh oo diyaaradaasi burburiyey.

Dowlada Federaalka ayaa sheegtay inay guddi u saartay baaritaanka shilka diyaarada, walow isla shalay iyadoo aan wax baaritaan ah bilaaban ay xubno kamid ah dowlada sheegeen inay u badan tahay cilad farsamo oo diyaarada ku timid. Halka ay jiraan warar kala duwan oo qaarkood sheegaya in duuliyaha diyaarada uu khalday habkii uu diyaarada usoo dajiyey oo uu ka weecday wadada diyaaradaha, qaar kale dadka ayaa aaminsan in hub saarnaa diyaarada uu qarxay kadib markii diyaarada dhulka cagaha soo dhigatay.

Wasiir kuxigeenka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee dowlada Federaalka Cabdishakuur Cali Mire ayaa shalay shaaca ka qaaday in Airporka dib loo furay, walow uu dib dhac weyn ku yimid duulimaadyo badan, waxaase maanta si caadi ah u socda hawlaha Airporka oo muddooyinkii lasoo dhaafay ahaa mid aad u mashquul badan.

Burburka diyaaradii hubka siday ayaa la sheegay inay ku dhinteen 4 qof oo kamid ahaa rakaabkii diyaarada iyo duuliyayaasha, waxaana la hadal hayaa dadka diyaarada saarnaa inuu ku jiray Agaasimaha Ciidamada Cirka ee Militariga Itoobiya oo la socday dayuuradan.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed