|

Saraakiil Maraykan ah Oo Habeenkii Xalay Soo Gaadhay Muqdisho si ay Su’aalo u weydiiyaan Sheekh Xasan Daahir

SAAAMugdisho:10-Aug-2013 (SDN)Xogo hoose oo ka soo baxaya  ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho habeenkii xalay ahaa ay soo gaadheen saraakiil ka socda dowladda Mareekanka oo loo soo xilsaaray baadhitaanka iyo maraamarnka sheekha Xasan Daahir Aweys.

 

Sheekh Xasan  oo Al-shabaab ka mid ah, islamarkaana markii  khilaaf weyni ururka ku yimi isku soo dhiibay Dawladda Federalka ah, ayaa  in muddo ahba lagu hayaa baadhitaanno waaweyn oo isdaba joog ah.

Waxaa magaalada Muqdisho soo gaadhay saraakiil gaar ah oo Mareykan ah, kuwaas oo macluumaad ka raadinaaya wadaadkan maadaama isaga hadda aanu lahayn ahmiyad gaar ah, balse uu hayo xog wax laga ogaan karo nimanka haatan mayalka u haya dagaalka lagaga soo horjeedo Dawladda iyo Ajaanibka kale ee Dalka ku sugan.

 

Xasan Daahir ayaa dowladda qiimo gal u ahaa xilligii uu haystay ciidamo badan, laakiinse hadda ma hayo awood iyo wax la mid ah, waxaana  haatan oo uu ku jiro Gacanta dawladda cadaadis badan ku haya Beesha uu ka soo jeeda oo awood badan ku leh Magaalada Muqdisho.

 

Lagama garan karo meesha uu ku dambayn doono sheikh Xasan, waxase la hubaa inaan lagu wareejin doonin gacan kale oo ka baxsan dawladda, waana sababta keentay in baadhayaasha maraykanku  ay ugu yimaaddan caasimadda Muqdisho.

 source: Widhwidhnews.

Comments are closed