|

Al-qaacida oo La Sheegay Inay Soo Saareen Miinooyin Jidhka Dadka Lagu samaynayo oo Aan Qalab Lagu Ogaan Karin

alqaaSanca: 10-Aug-2013 (SDN)Haddii aad maqli  jirtey  maraykanka iyo Ruushka ayaa samaystay Hub casri ah oo aan noociisu adduunka hore uga jiri jirin, maanta waxa iyaguna markooda horumar sameeyey qaar ka mid muslimiinta Adduunka gaar ahaan kuwa caddaystay inay Dagaal kula jiraan dalalka sheegtay inay dunida ugu quwad badan yihiin.

Digniino kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa waxa ay sheegayaan kadib baadhitaano sameeyeen in ururka Al Qacida ay ka sameeyeen horumar casri ah dhinaca  miinooyinka Ismiidaaminta ah oo ay isku xidhijireen xilliyada ay fulinayaa hawlgallada is-miidaaminta ah.

 

Waxaa la aaminsanyahay in Injineerka sameynta Miinooyinka u qaabilsan urur Al Qaacida Ibrahim al Siriri uu soo saaray Miino dareera ah oo lagu mudayo qofka isqarxinaya iyo mid Jidhka gudahiisa la dhex geliyo taas oo aan awoodi karin in ay soo qabato Qalabka lagu baadho miinooyinka iyo walxaha qarxa ee yaalla goobaha danaha guud oo ay kamid tahay Airportska.

Walaaca faraha badan ee ka qixiyay dowladaha reer galbeedka dalka Yemen, ayaa imanaya xili Al Qacida ay qiratay inay soo saareen miinooyin casri ah oo qalab waliba haddii la marsiiyo ruuxa ay ku dhex jirto aan marnaba sheegi karin.

 

Arrintan ayaa abuurtay cabsi badan xili Al Qacidadii ugu badnayd caalamka la filaayo inay isku arursanayaan gudaha dalka Yemen qorshe weeraro waji cusub wata ay damacsan yihiin, ayaana la leeyahay.

Warkan ayaa waxa uu walaac badan ku abuuray dalka maraykan oo ay had iyo goor is eryadaan ururka Al-qaacida, waxana arrintaa si hoose u la socda oo ka dhursugaya ururka Al-shabaab ee ka dagaalama Somaliya oo is-qarxinta caan ku ah.

 

Somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed