Wasiirka Difaaca Dalka Jabuuti iyo Wafti uu Hogaaminayo Oo Gaadhay Magaalada Baladwayne
Beledweyne:9-Aug-2013(SDN) waxaa maanta gaadhay Magaalada Baladwayne ee Xarunta Gobalka Hiiraan, Wafdi ka socda Dalka Jabuutioo uu hogaaminayo Wasiirka Difaaca Dalka Jabuuti Xasan Dharaar Hufane, Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Jabuuti Gen Fatxi Axmed Xusen iyo abaanduulaha Ciidamada Jabuuti Zakariye Sheekh.
Wafdigaa waxaa ku soo dhaweeyay Garoonka Ugaas khaliif ee Magalada Baladwayne Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdi xakiin Xaaji Fiqi iyo saraakiil ka socota Ciidamada Jabuuti ee jooga Magaalada Baladwayne.
Xubnahan ayaa la geeyay soo dhawaynta kadib Xarunta ciidamada Jabuuti ku leeyihiin Magaalada Baladwayne, waxa ayna halkaa kula kulmeen Taliyaha Ciidamada Jabuuti Col Cusmaan Dubad Sugule.
Waxauu sheegay Mr Dubad in Ciidamada Jabuuti ee ka socda AMISOM wax badan gacan ka gaysteen sida sugida amaanka, ka qayb qadashada Barnaamijyada horumarineed ee Dalka ka socda iyo kaalmaynta dadka tabaalaysan.
Waxa uu sheegay in ay aad u soo dhawayeen Shacabka gobolka hiiraan islamarkanaa diyar u yihiin in ay ka caawiyaan si aan u sii taabagalino Howlgalkayaga ayuu tilmaamay Dubad oo warbixin siinayay wafdigaa.
Wafdiga ayaa kormeeray Xarunta Ciidamada malatariga ee Gaaska 5-aad ee Xerada lama gaalay halkaa uu tababar uga socdo Ciidama ka tirsan dowlada soomaaliya oo halkaa Ciidamada AMISOM uga fureen.
Somalidiasporanews.com
Beledweyne/somaliya