Firka Nax: Tiro Dad ah Oo Iyagoo Tukanaaya Sallaaddii Ciidda la Laayey
Quetta: 9-Aug-2013 (SDN) ugu yaraan siddeed Qof, ayaa la dilay kadib markii kooxo hubaysan ay rasaas ku fureen bannaanka masjid ku yaala magaalada Quetta ee dalka Pakistan iyagoo tukanaya salaaddii ciidaa.
Dad gaadhaya 15 ruux oo kale ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen weerarka, kaasi oo dhacay xilli dadka Muslimiinta Sunniga ahi ay dukanayeen salaadda ciidul Fidri oo ay qoraxda soo baxaysay.
Rasaasta ayaa haleeshay gaadhiga Ali Madad Jatak, oo ah wasiir hore oo ka tirsan xisbigii shacabka Pakistan, laakiin waxaa la sheegay inaanu ku dhaawacmin oo uu Bedqabo.
Maalintii shalay daraasiin dad ah ayaa ku dhintay weerar qarax ah oo ka dhacay magaalada Quetta ee dalka Pakistan oo farxaddii maalintii ciidda ka dhigay maalin murugo.
Weerarkii ugu dambeeyay ee dhacay ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen afar ruux oo aan la garanaynin, waxaana ay la damacsanaayeen rasaasta wasiirkii hore oo salaada ciida ku jiray, marka loo eego hadal lagu daabacay Dawn News website.
Ma jirto koox sheegatay weerarka inay ka dambeeysay weerarkaa arxan-darrada ah, waxase la filayaa inay Kooxaha qaswadayaasha ee dalkaasi geysteen.
Somalidiasporanews.com