|

Nolal Xumo iyo Rajo La’aan soo Food Saartay Qaxoontiga Soomaalida ah Ee Jasiiradda Malta

imagesValletta:9-Aug-2013 (SDN) Waxaa  Warar rajo-xumo iyo Dayro iskugu jiraa ka soo baxayaan Xaaladda Qaxootiga Soomaalida ee ku nool Jasiirada Malta kuwaas oo naftooda ku biimeeyay biyaha u dhaxeeya Liibiya iyo Talyaaniga.

Qaxootiga Soomaalida ah oo la sheegay in kor u dhaafayaan 12 Kun oo ruux, ayaa  la sheegayaa in ay ku nool yahiin nolal xun islamarkaana aysan jirin wax Hay,adda Samafal ah oo dadkan wax u qabtay .

Dowlada Malta ayaa sheegtay in Qaxootiga dalkeeda ku nool ka badan yihiin dadka ka soo jeeda dhalasho ahaan Jasiirada Malta waxaana wali sii gaadhaya Jasiiradaa Tahriibayal hor leh.

Soomaalida Tahriibka ku gashay Jasiirada ayaa la dajiyay Gooba Bannaan, waxana la siiya sida uu qaar ka mid ah warbaahinta u sheegay Maxamed Yusuf oo ka mid ah dadkaa lacago uu sheegay in aanay naloshooda kaafiyi  Karin.

Waxa uu sheegay Maxamed Yusuf in Qaxootiga Soomaalida ay adag tahay hada sida loo aqbalo waxa uuna tilmaamay in Dowlada Malta ugu goodisay Qaxootiyadooda in Dalkoodii ku celin doonto.

Maxamed yusuf waxa uu shheegay in uu jeclaan lahaa in lagu celiyo Dalkiisii hooyo waxa uuna tilmaamay in nolasha Malta taal ka fiican tahay tan ka jirta Soomaaliya.

Hay,adda Qaxootiga aduunka UNHCR iyo Dalka Irland ayaa tira yar oo qoysas ah waxaa Nasiibkooda noqday in la qaabilo oo halkaa laga daad gureeyo kuwaas oo qaarkood goor hore la qaaday.

Sidoo kale waxa jira dad tiro yar oo Hay’adda qaxoontigu ay u qaadday dalka maraykan, iyadoo qaab nasiib ah ku daad-guraysay, waxana dadkaasi ay qabaan warwar weyn oo dhinaca mustaqbalkooda ah.

 

Somalidiasporanews.com

 

Comments are closed