Codsi Hore Loogu soo Diray Soomaalida oo Mar labaad dib Loo soo Cusboonaysiiyey Munaasibaddd Ciidda Awgeed.
Dakar:Aug -9, 2013 (SDN) Kooxaha budhcad-badeeda Soomaalida, waxaa gacanta ugu jira tiro la haystayaal ah oo kasoo jeeda qoysas fuqaro ah oo u kala dhashay dalalka Sri Lanka, India iyo Bangladesh.
Maadaama lagu Gudo jiro munaasabadda ciidda oo calaamad u ah jacayl iyo Nabadgelyo walaalaha Muslimiinta u dhexaysa, waxa ay Ehelada la haystayaashu mar labaad codsnayaan in loo sii daayo dadkooda shaqaalaha ahaa.
“ waxaan nahay qoysaska shaqaale ay ka heystaan budhcad badeeda waxaan mar kale idinka dalbanaynaa inaad nagala shaqeysaan sii deynta dadka aan jecel nahay”sidaasi waxaa yidhi qoysaska dadkii ay dhaleen shakhsiyaadka Budhcad-badeedda Gacanta ugu jiraa.
Qoysaskan ayaa sheegay inaanay heysan lacag ay kusoo daayaan dadka laga heysto maadaama budhcad badeeda ay dhaqaalo dalbadeen, iyagoo sheegay inay dowladahooda ka codsadeen inay arintaasi kala shaqeeyaan laakiin aysan jirin cid dheg jalaq u siisay.
Ugu dambeyn dhamaan dadka Soomaaliyeed ayay ka dalbadeen qoysaskaasi munaasabada ciida darteed inay kala shaqeeyaan sii deynta dadkooda ay jecel yihiin ee muddada badda lagu haysto.
Somalidiasporanews.com