|

Diyaaradaha Aan Cidi Wadin Ee Mareykanka oo Weeraro Ba’an Ka Geystay Dalka Yamen

drone-strike-humanitarian-aid-civilian_optSanca : Aug-9, 2013 –(SDN) Saraakiisha Sarsare ee dalka Yemen ayaa sheegay in saddex weerar oo kale oo ay dalkaasi ka geysteen Dayuuradaha Mareykanka ee aaney cidina wadin  Khamiistii shalay lagu dilay 12 ka mid ah mintidiinta la tuhunsanyahay inay ka tirsanyihiin alqacidada.

 

weeraradaa oo qeyb ka ah, wax u muuqda mareykanka oo dar dar geliyay dagaalka ka dhanka ah Alqacidada Gacanka Carabta oo uu Beryahan dambe cabsi aad ah ka qaaday.

 

Yemen ayaa sheegtay in labadii toddobaad ee la soo dhaafay dayuuradaha Droneska Mareykanka ay geysteen ilaa iyo toddoba weerar, kuwaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 30 ka mid ah dagaalyahanada Alqacidada Yemen oo maalinba maalinta ka dambaysa Halkaa ku sii xoogaysanaya.

 

Dowladda Mareykanka ayaan weli ka hadlin weeraradan Droneska ay geysteen, laakiin saraakiisha Yemen ayaa sheegay in Weeraradii shalay dhacay lala beegsaday baabuur ay saaraayeen Mintidiinta Alqacida oo marayay gobolada xadarmuud iyo Marib.

 

Dowladda yemen ayaa kordhisay amaanka caasimadda dalkaasi ee Sanca iyadoo ciidamo ku hubeysan taangiyo ay gaadh ka hayaan dhismooyinka dowladda iyo safaaradaha.

 

Somalidiasporanews.com

 

Comments are closed