“DAAWO Madaxweynaha Somaliland Mawqifka Xukuumadiisa ee Shirka Brussels,Derajo bixinta Ciidamada iyo Qodobo kale”
Hargaysa 08.Aug (SDN) “Waxaan jecelahay in aan halkan ka cadeeyo mawqifka dawladda ee ku aadan shirka dunidu noogu baaqday ee Brussels, maadaama ay EU-da iyo Somalia wada marti-gelinayaan (Co-hosting), waxaanu u aragnaa mid dhaawacaya jiritaanka iyo qaranimada Dalkan JSL, kaasoo aan waxba kaga duwanayn shirarkii hore ee aanu diidnay, sidaa darteed kama soo-qayb-gelayno shirkaas” Sidaaa Waxaa Yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo Fariintan Xalay Warbaahinta u Mariyay Shacabka Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland waxaa kale oo uu ka hadlay Toosinta Cadaalada,Ilaalinta Xuquuqul Iinsaanka,Gogoshii Nabada ee uu ku baaqay, in dalku leeyahay Golayaal iyo Axsaab qaran isla markaana uu Xil ka saaran yahay Ilaalinta Sharciga iyo distoorka Wadanka.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com