|

6 Xildhibaan Oo Dhexda Ku Dhacay Gunnadii Degmada Salaxley Oo Lasii Sidey” Xuseen Xasan Badmaax Ku Simaha Xoghayaha Arr.gudaha Xisbiga Ucid

Xuseen-Xasan-Badmaax1.jpg22-150x1501Hargeysa:8-Aug-2013(SDN)Fadeexadii abid ka dhacda dawladaha hoose ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa waxay ka dhacday todobaadkan masalaha magaalada Hargeysa todobaadkan.
Mayorka,kuxigeenka iyo xisaabayaha degmada salaxley ayaa gunadii degmada Salaxley ka soo qaaday Baanka dhexe ee Hargeysa.Kadib mayorka iyo kuxigeenku waxay ku hadheen hawlo ay ka lahaayeen caasimadda,waxaana lacagtii qaaday xisaabiyaha degmada Salaxley,marka uu marayo xaafada masalaha ayaa 6xildhibaan oo ka tirsan dawlada hoose ee degmada Salaxley xoog kaga qaadeen xisaabiyahoodii 19milion 500,000kun,isagiina intay u hanjabeen ayay ku yidhaaheen waanu ku dilaynaa hadii aad tegi waydo.
Arrinkii ayaa gaadhay badhisaabka caasimada,kadibna u yeedhay 6-dii xildhibaan,mayorkii,

kuxigeenkii iyo xisaabiyahiiba,wuu xog waraystay,waanay qirteen inay lacagtaa dhexda u galeen oo ay dhaceen.
Badhisaabka Hargeysa ayaa talo nasteexo u soo  jeediyay,waxaanu kula taliyay inay lacagtii sideedii u soo celiyaan,kadibna gunada qaybtooda ka u qaataan sidii caadada ahayd,kuna noqdaan degmadooda,ilaaliyaana hab-dhaqanka maamul,sharafta iyo wada shaqaynta qaranka.Waxa ayaan darro ah 5da xildhibaan oo ku gacan saydhay taladii badhisaabka,mid ka mid ahina soo celiyay intuu dhacay.
Markaanu samaynay baadhitaan waxa aanu ogaanay arrinka inay ku lug leeyihiin xubno siyaasiyiin ah oo golaha dhexe ee kulmiye ka tirsan.Waxaanay hada ku hawlanyihiin inay falkaa foosha xun,sharcigana baal-maarsan ee aan abid ka dhicin dalkan Jamhuuriyada Somaliland si axmaqnimo ah u difaacaan ayadoo arrinku ku jiro xeer ilaalinta guud,maxkamada gobolka iyo hay’adaha ku shaqada leh.Waxaanay caawa ku suganyihiin degmada Salaxley,waxaana weheliya wasiirul dawle,la taliye madaxweyne iyo gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbula xaakimka Kulmiye.
Xisbiga cadaalada iyo daryeelku ee ucid waxa uu cambaaraynayaa falka badheedhka ah ee kulmiye faraha kula jiro,kana fuliyay degmada Salaxley.Waxa aanu leenahay waa in sharciga la hor keenaa xildhibaanada fuliyay falka dhactooyada foosha xun ah.

 

Xuseen Xasan Badmaax
Kuxigeenka arrimaha gudaha ahna
Ku simaha xoghayaha arr.gudaha
Hargeysa/JSL

Comments are closed